Madaxwayne Siilaanyo Oo Dhaqangaliyey Maanta Xeerka Sirdoonka Oo Muddo Bdan Soo Jeetamayey

siilanyoHergeisa(Lughaya)  Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhaqangaliyey xeerka hay’adda sirdoonka Qaranka Somaliland oo dhawaan baarlamaanku ansixiyey.

Madaxwayne Siilaanyo ayaa  maanta dhaqan galiyey xeerkan oo buuq badan ka taagnaa isla-markaana bilihii u dambeeyay ay ka hadlayeen Saxaafada iyo siyaasiyiinta Mucaaradka qaarkood sidoo kalana Hay’adaha xuquuqul iinsaanka ayaa sida fiinta ugu qayliyey xeerkan uu maanta madaxweyne siilanyo dhaqan galiyey

War-saxaafadeed uu ku saxeexan-yahay Afhayeenka Madaxtooyadda ayaa u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu maanta digreeto madaxweyne ku Dhaqan-geliyey Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka Xeer Lr. 59/2012.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland:

Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland:

Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiilada JSL, Go’aan Lr. GW/G/KF-19/581/2012 ee ku taariikhaysan 27/12/2012 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka Xeer Lr. 59/2012;

Wuxuu Soo Saaray:

Dhaqan-galka Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka Xeer Lr. 59/2012 ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Hergeisa: Lughayanews:

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: