Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Oo Shahaadooyin Gudoonsiiyey 33 Garsoore Oo Ka Qalinjabiyey Kuliyadaha Sharciga Ee Jaamacadaha Camuud Iyo Hargaisa

saylci-300x225Hargeysa, (Lughaya.com)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta shahaadooyiin gudoonsiiyay saddex iyo sodon garsoore oo ka qalin-jabiyay jaamacadaha Hargeysa iyo Camuud.

Munaasibad ay ku qalin-jabinayeen garsooreyaal oo maanta ka qabsontay hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qayb galay Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali, Wasiirka Caddaalada, masuuliyiin ka tirsan haya’daha caaliamiga ah.

Madaxweyne xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo hadal ka jeediyay munaaibadaas ayaa garsooreyaasha u sheegay in caddaalad looga baahan yahay iyo sida ay wax uga qaban lahaayeen midaamka caddaaladeed ee dalka, isla markaana loo soo afjari lahaa tabashada bulshada ay ka qabto caddaalada.

“Caddaaladu waa shayga ugu muhiimsan ee dhisa, waxaan idinku dardaarayaa inaan caddaalada ilaalisaan oo lafihiina dulmi ka ilaalisaan, oo aakhiro camalkiina ayaa idin raacaya oo musuuliyada idin saaran qof sidii caddaalada u ilaaliyay, waxaa idinka horeeyay bulsho caddaalada jecel.” Ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

Waiirka wasaaradda caddaalada, Xuseen Axmed Caydiid oo munaasibadaas ka hadlay ayaa ku dhiirigaliyay garsooreyaasha cusub inay la yimaadaan hawl karnimo. “Garsoorkeena xantiisa cidina ma moogana garsooreyaasha laftoodu ma moogana, qoladaniina waa garsooreyaal ku soo biiray garsooreyaasha, ma xantii bay wanaajin garsoorku lahaa ama xantiiba iyaga saamayn ku yeelan doona oo ay la mid noqon doona kuwii ka horeeyay.” ayuu yidhi wasiirka caddaaladu.

Garsooreyaashan cusub ee qalin-jabiyay ayaa u badan dhalinyaro, isla markaana ka hawl gali doona guud ahaan gobollada dalka.

Hergeisa; Lughayanews.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: