Xildhibaan Cali Aaraye Oo Qiray In Dadka Saylac Ka Mudaharaaday Laga Soo Guray Deegaano Ka Baxsan Xuduuda Dalka

IloveSaylacSamaronLand102Hargaysa (lughaya.com) Xubno ka tirsan beesha Ciise kuwaasi oo uu ku jiray Xildhibaan Cali Aareeye oo ka mid ah Golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta shirjaraaid kuqabtay magaalada Hargaysa ee Caasimada Somaliland .
hadalada nuxurka ah ee shirkan jaraaid oo ay warbaahinta maxaliga ha u qabteen ayaa ahaa mid dhinacyo badan ay kaga hadlayeen balse ujeedadu waxa ay ahayd arimaha xaalada Saylac taasi oo maalmihiilasoo dhaafay ay Beesha ciisuhu ka muujiyeen walaac wayn oo kusaabsan Doorashadii golayaasha deegaanka ee dhalka ka dhacay taasi oo xildhibaanadii ka soobaxay doorashadaasi magaalada saylac ay aqlabiyadoodu ahayd Beelaha Samaroon ee degaanka ah , waxana xubnahani iyaga oo cambaaraynaya hawlgalkii ay ciidamada milatariga ah ee Somaliland ku kala dareeriyeen dadkii ajnabiga ahaa ee doonayay in ay carqalad ka sameeyaan magaalada saylac saaka ay sitoosa u qireen in maalmihii lasoo dhaafay dadkan laga soo gurayey madaalada Djabuuti .

“Maanta waxa la laayay dadkii laga sooguray Magaalada DJaouti kuwaasi oo xalay u hoyday Dawlada hoose ee Saylac Doonayeyna in ay mudaharaad silmi ah Sameeyaan iyaga oo ahaa dad rayid ah oo aan hubaysnayn .” Sidaasi waxa TV ga Bulsho ee maxaliga ah lagana daawado gudaha magaalada Hargaysa u sheegay Xildhibaan Cali Araye oo ka mid ahaa xubnahaasi . waxana hadalkaasi oo kujiray itamada warka kabaxay Bulsh TV.
Su aasha iswaydiinta lihi hadaba waxa ay tahay maxaa dadkan looga soo gurayey Dalka DJabuuti ? taasi oo jawaabtu tahay markii laga waayey dad shacab ah oo degan magaalada Saylac gudaheeda waxa khasab ku noqotay Beesha Ciise in ay dad ka keento Jabouti si ay in uu u tusaan Bulshada in ay Saylac iyagu Joogaan balse taasi waxa ay Beenowday maanta markii dadkii la sooguray iyo ciidamadu iska horyimaadeen islamarkaana ay dhaawacii lagu celiyey cusbitaalada dalka Djabouti.

 

 

Diirada Lughaya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: