Badhasaabka Gobolka Selel Oo Fuliyey Hawlgalka Lagu Gubay Gaadhiga Maayerka Degmada Saylac

car burningSaylac(lughaya.com) Waxa maanta magaalada Saylac dab la sudhay baabuur ay dawladu leedahay, oo uu wadan jiray maayarkii hore ee Saylac, maantana la rabay in lagu wareejiyo maayarka cusub ee xilka la wareegaya.

Baabuurkan dabka la suday ayaa dhex yaalay xarunta badhasaabka ee G/Salal, waxana ilo wareedyo ka ag dhawaa goobta lagugubay gaadhigu u sheegeen shabakada wararka ee lughaya Badhasaabka gobolka Selel  Muuse Cismaan uu goob joog ahaa walibana ninka gubay gaadhigan oo ay isku hayb ahaayeen uu markii hore habeenkii xerda u hoyday waxayar kahar na badhasaabku uu u yimid kadibna cabaar wada faqayeen itaasi kadibna lagu warhelay gaadhiga oo holcaya. madaxda amniga kama soo bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan cida dabkan ka dambaysay.

Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in qasaarahani uu dhacay kadib munaasabadii xilwareejinta degmada Saylac maayarkeeda oo lagu gudo jiray, waxana la sheegayaa in arintani ay salka ku hayso kooxo nabadiid ah oo dalka dibadiisa ka yimid oo damacsanaa inay dawlad nimada iyo nabadgalyada khalkhal galiyaan.

Wararku waxa kale oo ay intaasi ku darayaan in arintan sida ay u dhacday marka loo kuur galo lagu xidhiidhinayo inuu ka dambeeyay Badhasaabka G/Salal oo baabuurku ku xeraysnaa xaruntiisa oo ciidamo boolis ahi ku hareeraysnaayee, waxana dadka lagu tuhunsan yahay ka mid ah dirawalka baabuurka badhasaabka laf ahaan tiisa oo ay hayadaha sirdoonku sheegayaan in maalmihii u dambeeyay ay afkiisa ka soo baxayeen hadalo wacad mar ah oo uu baabuurkaasi rabo in uu ku gubo.

Arintan oo xukuumada dhexe si wayn uga cadhaysiisay ayaa waxa la rajaynayaa inay soo dadajiso xil ka qaadista Badhasaabka Salal Muuse Cismaan oo ku fashilmay inuu dawladnimada u hogaansamo, nabadgalyadana dhawro, maadaama ay hore u jirtay dareeno sheegaya inuu gacan saar la leeyahay kooxaha nabad-diidka ajinabiga ah ee magaalada Saylac qaska ka wada.

 

Saylac: Lughayanews.

3 Responses

  1. […] waxa kale oo ay intaasi ku darayaan in arintan sida ay u dhacday marka lookuur galo lagu xidhiidhinayo inuu ka dambeeyay Badhasaabka G/Salal oo baabuurku ku xeraysnaa […]

  2. […] waxa kale oo ay intaasi ku darayaan in arintan sida ay u dhacday marka lookuur galo lagu xidhiidhinayo inuu ka dambeeyay Badhasaabka G/Salal oo baabuurku ku xeraysnaa […]

  3. asc. waar ilaamaadeerayaal Gari aley Taqaanaa , intaan ka ogahay ee aan maqli jiray saylac iyo lughaya waxaa waligoodaba u badnaa qoladan ciisee , ee samaroonaw iska daaya dhul balaadhsiga dhibtana joogiya

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: