Daminada Uu malageeyo Dictator Ismail Cumar Geelle Ee Uu La Beegsanayo Shacabka Somaliland

IsmailGeeleDjiboutilugahaya_Waxaa lawada ogsoon yahay shacabka somaliland in badani ka dharagsan  tahay  dhibaatada ama dabinada uu u xidhaayo Dictator  ina GEELLEHA  Djibouti, waxaan wada ogsoonahay Gobolada somaliland iyo dhamaan Degmooyinka waxaa ka dhacay doorashooyin dadka somaliland ku dhaqani qaarba meel ka istaageen aragtideeda ama sida ay u dhacday doorashada golaha deeganka ka dhacday  11/28/2012

Waxaan wada Ogsoon Nahay in doorashad ka dib dhamaan Gobolada Iyo Degmooyinka Jamhuuriyada somaliland ay ka dhaceen mudaraado shacabku ay ku muujinayaan dareenkooda iyo siday wax u  arkaan haba kula Aragti duwanadaane Taasina waxay keentay dhimasho iyo dhawaac ka dhacay Gobolada Somaliland.

Shacabka somaliland waxaa lagu yaqaan Dal jacayl mar kasta oo waxaad dareemi kartaa markay Askartu U adeegsadeen Rasaasta nool ee ay waliba shacabka ku layeen hadana waxay ka raaceen nabada iyo Aaaya dalkooda oo ay u arkaan in cadow badan ku xeeran yahay isla markana loo baahan yahay in ilna cadowga lagu eego ilna dimuqaradayda fal celinteeda lagu muujiyo.

Habada waxaa xasuus mudan degmada saylac oo ka tirsan gobolka Salel isla markaana dadkii masarka u hayey degmadaasi ay ku guulaysteen Aqlabiyada golaha degaan ee degmada Saylac hadana ay jirto shacabasho qayri sharci ah inay ka timad dadka deegaanka ku yar  isla markaan ay ku Andacoodaan in ay keenan  caanaha magalada saylac isla markaana ay isku haystaan inay yiihin dadka deegaanka  maadaba caanaha ay ka soo galiyaan xuduuda labada dal u dheexaya waa Dijibouti iyo Somaliland.

Hadaba Dictator Ismail Cumar Geelle muuxuu somaliland Tuushka ugu iftiimiyey oo uu ugu dhigay sida wadamada Carabta ah ee ay ka dhaceeen kacdoon shacab isla markaana xuduudka ay ka xidhaan wadamada kale ee la jaarka ah isla markaana ka cabsi caba inay dhankooda kubadu  loo soo laago miyuu ogayn in somaliland ka dimuqaradiyad fiican tahay jariisara Djibouti  ee uu xooga ku maamulo miyoo ogahayn in madaxweynayaal badan ay isaga danbeeyeen Somaliland si nabdoon oo dhiig ku daadan.

Mudaharaadka ka dhacay degmada saylac ee ay ka rideen dad aan deeganka ahayn waliba ka soo Talaabay xuduudka somaliland ay la leeedahay jasiirada Djibouti oo uu waliba isagu dabada ka reexayo  miyey ka fiican kuwa Djibouti ka yimad ee khal khalka galin gaadhay Abniga Magaalada Saylac, kuwii  ku dhintay xaafada Axmed dhagax ee magalada haregeisa? miyey ka fiican yihiin kuwii lagu dilay geedaha hoostooda ee magalada Boorama? maxaa maanta keenay dhacdadan uu xuduudka ku xidhay mise waxa uu uqabaa inuu somaliland culay ku keeni karto baabuurta rakaabka ah ee gala dalkiisa.

Shacabka somaliland  ayaa Arinka aragtiyo kala duwan ka qaba dadka qaar waxay tibaaxayn in xadkan la xidhay uu INA Geelle  uu culays ku saarayo xukumada somaliland oo uu rabo in nin  Beeshiisa ah in loo magacaabo duqa degmada saylac si qayru sharxi ah, Maahe dadka qaar ayaa tilmaamaya  inuu aduunka Tuso fashilka  siyaasadeed ee ka jira somaliland ee uu isagu qoriga dabka leh  ku dhextuuray degmada saylac kadib markii beeshiisa ku fashilantay doorashadii ay la galeen dadka deeganka Asalka u leh,Maahe mid ka duwan ayey shacabka somaliland ka qabaan xidhitaankan xuduudka oo uu rabo inuu Ballo ka aloose isla markaan Aduunka uu kaga iibiyo in ciidamada AMISOM ka socda la keeno xaduudka labada dal maadaba ay khatar ka soo fool leedahay lakiin shacabka somaliland ayaa ka warqaba xumaanta uu u hayo somaliland oo taasi dhici mayso.

 

Diirada:Lughaya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: