Kulan Lagu Gorfaynayo Qorshaha 5ta Sano Ee Cafimaadka Gobolka Awdal Oo Ka Furmay Maanta Magaalada Boorama

CAAFIMAADKA-AWDAL-150x150 Boorama-(lughaya.com)-Wasiirka wasaarada Caafimaadka ee Jamahuuriyada Somaliland ayaa maanta ka qayb galay kulan lagu gorfaynayay qorshaha 5ta sano ee soo socota ee wasaarada Caafimaadka ee G/Awdal, kulankaasi oo ay ka qayb qaateen shaqaalaha wasaarada caafimaadka ee gobolka iyo qaranka hayadaha caafimaadka ay gacansaarka leeyihiin iyo madax kale.

Isuduwaha wasaarada Caafimaadka ee G/Awdal Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Hadi oo kulankan ka hadlay ayaa sheegay in qorshahan 5ta sano ah ee caafimaad uu ku salaysan yahay kor u qaadida adeegyada caafimaadka ee gobolka iyo wax ka qabashada baahiyaha asaasiga ah ee hooyada iyo dhalaanka, kaasi oo sida uu sheegay ka yimid dalabka dadwaynaha ku dhaqan miyiyada, tuulooyinka iyo goobaha fogfog ee G/Awdal.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Muxumed Maxamed Xoog oo ka hadlay halkaasi ayaa xusay ahmiyada uu leeyahay qorshahan waxana uu yidhi “ Runtii waa dadaal balaadhan, waa hawl qaranomo, waa hawl ka tarjumaysa baahiya uu gobolku qabo si loogu talo galo wax ka qabashadooda, waxaan sheegayaa in dhamaan hayadaha ka hawl gala dhinaca caafimaadka ee G/Awdal looga baahan yahay inay qorshahan dhaqan galiyaan si loo daboolo baahida ay dadku soo sheegteen oo qorshaha iyo ku talo galka ku jirta”.

Si kastaba ha ahaatee qorshaha adeega caafimaad ee 5ta sano ee soo socota ee G/Awdal waa la dhamaytiray, ilaa hadana wax walba oo la qabatay waa wax ku qoran dikumentiyo dul yaala xafiisyada madaxda dawlada, wax qabadka dhabta ahina waxa uu ku xidhnaan doonaa kolba sida ay saraakiisha talada haysa ugu hagar baxaan una helaan kaabayaasha dhinayada dhaqaalaha iyo gaadiidka ah ee loo baahan yahay.

Boorama: Lughayanews.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: