Taariikh Nololeedkii Xaaji Diide Geesigii Djibouti (Sooyaalka Lughaya)

 Lughaya.com– Halkan waxaannu idiinku soo gudbinaynaa qoraal soo koobaya taariikh nololeedkii Xaaji Diide  oo ka mid ahaa asaasayaashii dalka Jabuuti,  kaalin waynna ka gelay halgankii Gobonnimo u dirirka ee dalkaasi:

1. Ugu Horreyn Abtirsiiintii Xaajiga  Iyo Meelihii Uu Ku Barbaarey: Xuseen (Xaaji Diide) Jaamac Iidle Geedi Bayle Xasan Simane Axamad Xuseen Maxamad Makaddoor Siciid Samaroon Al –Zeylici. Waxa uu ku dhashey meel u dhaxaysa magaalooyinka Saylac iyo Lughaya ee gobolka Awdal wuxuuna  ku geeriyoodey magaalada Djibouti 1920kii.

2. Tafiirtiii Xaajiga: Xaaji Diide waxa uu dhalay wiil iyo gabadh la kala odhan jirey Maxamuud Xaaji Diide iyo Cajaa`ib Xaaji Diide, haseyeeshee wakhtigan xaadirka ah waxaa tafiirtii Xaajiga ka nool dhowr gabdhood oo ay Cajaa`ib Xaaji ayey u tahay.

Ganacsi ahaan: Xaaji Diide waxa uu ka mid ahaa ganacsatadii geeska Africa ugu magaca weynayd xilligii gumeysiga iyo ka horba, ganacsigiisu waxaa xarun u ahaan jirtey magaalada Zaylac, kadib markii dekadda Djibouti la fureyna halkaasi ayuu u digo rogtey wuxuuna ka mid ahaa madaxdii asaastey waaxda ganacsiga Djibouti ( chamber de commerce) sida uu qirey guddoomiyihii hore ee waaxdaasi, Siciid Cali Kubeysh.

Si kastaba ha ahaatee ganacsiga Xaaji Xuseen  Jamaac Iidle (Xaaji Diide) kuma ekeyn kaliya Zaylac iyo Djibouti balse waxa uu saldhigyo ku lahaan jirey ama uu badeecadaha u kala diri jirey magaalooyin ay ka mid ahaayeen Diridhaba iyo Herer oo Ethiopia ka mid ah.

Sidoo kale waxa la sheegey in uu xoolo kala duwan ku lahaan jirey woqooyiga Somalia gaarahaanna deegaannada u dhexeeya Zaylac iyo Lughaya oo ay qoyskiisa qaar ka mid ahi deganaan jireen.

Xaaji Diide waxa lagu xusuustaa waxqabadyo badan oo samafal ah oo uu ka fuliyey Djibouti, iyada oo aan la soo koobi karayn tabarrucaatkii sheekha oo aan cidi diiwaan gelin wakhtigaasi maadaama uusan dadku xilligaasi wax qori jirin, haddana iyada oo ay sidaa tahay ayaa waxaynnu soo qaadan karnaa qodobadan hoos ku xusan:

1.   Waxyaabihii Uu Same Faluhu Dar Ilaahay Ula Baxay: waxa la sheegaa in tabarruca Sheekhu uu intan la ogyahay ka badnaa balse la baylihiyey marar badan ama lagu takrifalay loona adeegsadey dano gaar ah.

2.  Masjidka Weyn Ee KU Yaal Xaafadda 2aad ee caasimadda Djibouti ee xanbaarsan magaca Xaaji Diide oo ah masjidkii ugu horreeyey ee laga taagey Djibouti, inkasta oo la aaminsan yahay inuu masjidka Xamuudi ahaa midkii ugu horreeyey masaajidda Djibouti. Waxaase xaqiiq ah in dhulka uu masjidkaasi ku fadhiyo laga iibsadey maamulkii Faransiiska sannadkii 1906 dii, iyada oo la ogyahay in Djibouti la degey ka hor sannadkii 1896, masjid Xaaaji Diidena la dhisey 1900 kii ka hor. Sidaas awgeed waxaa marag ma doon ah in Masjid Xaaji Diide yahay midkii ugu horreeyey ee Djibouti laga dhisey.

Masjidkan waxa soo qabtey jagadiisa imam-nimo tan iyo markii la asaasey culimadan hoos ku qoran:1. Maxamad Nagiib 2. Cismaan Yuusuf 3.Fiqi Axmad4.  C/lle al-Ahdal 5. Nasiim C/lle Al-Ahdal.

Waxa kale oo isaga danbeeyey ilaalinta iyo kormeerista hantida waqfiga ah ee Sheekh Xuseen Jaamac ( Xaaji Diide) nimankan hoos ku qoran:1.Sheekh Aadan oo ay ilmo adeer ahaayeen Xaajiga 2. Cali Miicaad Wacays oo ka tirsan isla beesha uu sheekhu ka soo jeedo ee habar Xuseen ama Bahabar Celi. 3. Ibraahiim Baxar Bookh oo ay ilmo adeer ahaayeen Xaajiga. 4. Macalin Ibraahim oo ay isku reer ahaayeen Xaajiga, ahna ninka kaliya ee ka nool ilaaladii tabarrucaadka xaajiga, waana horjoogihii ugu danbeeyey ee awqaafta xaajiga ka masuulka ahaa, ka hor intiii aan arrimaha waqfiga lagu wareejin wasaaradda arrimahaasi Jabuuti u qaabilsan.

3. Sidoo  kale waxyaabaha uu Xaajigu dar alle ula baxay waxaa ka mid ahaa dhulka uu ku fadhiyo dugsiga Fransiiska ah ee lagu magcaabo Xaaji Diide. iyo Dhulka ay ku fadhido xarunta horumarinta bulshada ee Djibouti ee lagu magcaabo Xaaji Diide.

4. Xaajigu sidoo kale 30 guri ayuu u bixiyey waqfi ahaan si ay dayactirka iyo koolkoollinta masjidkiisa uga qayb qaataan, 30 kaasi guri oo ku kala baahsan Caasimadda  Djibouti gaarahaanna xaafadda (Guudka) ayaa si qaldan loogu takrifaley oo qaarkood la iibiyey qaarkoodna la iska qaatey.

Sidoo kale Sheekh Xuseen Jaamac Iidle (Xaaji Diide) waxa uu dar ilaahay u bixiyey guryo iyo dhul badan, tusaale ahaan isaga ayaa bixiyey dhulka ay ku fadhido waaxda ganacsiga Djibouti iyo waliba dhulka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi.

Dhinaca kale Xaaji Xuseen Jaamac (Xaaji Diide) waxa uu leeyahay taariikh halgan iyo gobonnimo doon ah oo uu jiil ba jiil ka dhaxley islamarkaana lama illaawaan ah, tusaaale ahaan waxa uu laf dhuun istaagtey ku ahaa intii uu noolaa gumeysigii Fransiiska oo uu ka  hor istaagey hirgelinta ujeedooyinkii uu u socdey. xataa waxa la sheeegay inuu saanta xoolaha kaga saxeexay inay Djibouti tahay dhul Soomaaliyeed oo aan Faransiiska looga baahnayn. Alle ha u naxariisto Xaaji Xuseen Jaamac Iidle (Xaaji Diide) hana ka waraabiyo jannadiisa iyo naxariistiisa.

Sooyalka: Lughaya.com.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: