Ururka Horumarinta Dhalinyarada Africa Ee (AYODA) Oo Wacyigalin Laxidhiidha Dhibaatooyinka Gudniinka Fircooniga Ah Ka Fuliyey Deegaanada Dila Kalabaydh Xuushalay Iyo Jufada

u_87520d_2013-1-10-14-49-36f_Agaasimaha AYODA Boorama(Lughaya.com) kasokow hawl wadeenada ururka AYODA ee fulinayey hawshan waxa maalgalinayey hayada caalamiga ah ee UNFPA, Mashruucan oo socday mudo Afar bilood ah waxa uu iskugu jiray munaasibado iyo kulamo lagaga hadlayey hirgalinta dhaqanka suuban iyo dabargoynta Gudniinka fircooniga ah.

waxana ka qayb qaadanayey dadka iyagu kuhawlan hawlah gudniinka sida dumarka kadhigtay mihnado shaqo , waalidiinta , bahda caafimaadka iyo gabdhaha inta badan ay ku dhacdo dhibaatada gudniinku .

Waxana Hay?ada Wadaniga ah ee AYODA ay ka waday hawlgalkan deegaanada Dila, Kalabaydh, Xuushalay iyo Jufada.
Munaasibad ballaadhan oo lagu soo gaba-gabeynayey Mashruuca dabar-goynta Gudniinka Fircooniga ah, ayaa lagu qabtay Tuulada Kalabaydh ee Degmada Gabiley.

Munaasibadaasi oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qayb galay Xoghayaha Degmada Gabiley Axmed Cismaan Higirje, Gudoomiye-ku-xigeenka Golaha Deegaanka Gabiley Cabdi Yuusuf Daahir, Agaasimaha Hay?ada Wadaniga ah ee AYODA Siyaad Cumar Cali, Madaxda Hay?adaasi, Xildhibaano ay ka mid yihiin Iid Xasan Cabdi, Cibaado Maax Cilmi, iyo Axmed Siciid Kibaar, Hawl-wadeeno ka mid ah Caafimaadka Gobolka Gabiley, Hay?adaasi, Culimaa?udiin, Cuqaal, Haween tiro badan, Kooxda Jilayaasha ee Kalabaydh, Madax, iyo Marti-sharaf kale oo aad u tiro-badan.

u_87520d_2013-1-10-14-51-47f_cuqaal
Agaasimaha fulinta Hay?ada AYODA Siyaad Cumar Cali oo ugu horreyn Munaasibadaasi ka hadlay ayaa faah-faahin qoto dheer ka bixiyey muhiimada Mashruucani u leeyahay Dadkeena iyo Asbaabaha ay u xusheen inay ka fuliyaan Deegaanadani.
?Waxyaabihii aanu ku xulanay in Mashruucani laga fuliyo Deegaanadani Kalabaydh, Xuushalay, iyo Jufa, waxay ahayd markii hore waxa aanu ka fulinay Dilla iyo Waxarwaaslay markaa Labadan Deegaan oo ah Laba Deegaan oo Ood Wadaag ah oo ka soo kala jeeda Labada Gobo lee Awdal iyo Gabiley, maadaama ay jaar yihiin oo ay Isku badan yihiin Guurkoodu, si aanay u qariibsanin oo aanay ula yaabin oo ay ula sii qabsadaan in laga guuray Dhaqankaa soo jireenka ahaa? Ayuu yidhi Agaasimaha fulinta Hay?ada AYODA Siyaad Cumar Cali.

u_87520d_2013-1-10-14-56-53f_Jilayaashii Wacyigalinta

Waxaanu ku daray Agaasimuhu Hadalkiisa: ? Dhibaatooyinka Gudniinka Fircooniga ahi ku hayo Dadka waa mid la wada ogyahay oo tusaale ahaan marka aynu ku samaynayno Hablaheena waa mid aynu Inagu leenahay Sidiii Ilaahay ugu talo galay ayaanu u samaynaynaa si ka fiican oo aynu jarjaraynaa Jidhkoodii, Subxaanallaah, Qofna sidii Ilaahay u dhaliyey si ka wanaagsan oo Makhluuq u samayn karaa ma jiro. Dhibaatooyinka ku yimaada marka inanta la gudo waa Kaadida oo ku dhagta, Dhabarka oo xanuuna iyo dhibaatooyin kale oo badan?. Ayuu yidhi Agaasimaha fulinta Hay?adda AYODA, Siyaad Cumar Cali.

Gudoomiye-Xigeenka Golaha Deegaanka Gabiley Cabdi Yuusuf Daahir oo Isaguna munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay Muhiim tahay in laga fogaado Dhaqanada aanay diinteenu inoo fasaxayn ee aynu caadaysanay, waxaanu xusay in ay Ollolle u galayaan sidii ay Ollollaha ugu soo galeen Tartankii Doorashada Golayaasha Deegaanada Dalka, sidii loo dabar-goyn lahaa Gudniinka Fircooniga ah, oo Dhibaatooyin culus ku haya Dadwaynaha oo uu xusay in ay Dadkeenu hore u caadaysteen Wakhti-Jaahiligii.
Xoghayaha Gobolka Gabiley Axmed Cismaan Higirje oo Isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in Diinteena suubani ay horeba u mamnuucday Gudniinka Fircooniga ah, oo dhibaatooyin culus ku haya Hablaheena, waxaanu xusay in wada jir loola dagaalamo Gudniinka.
Waxa iyaguna halkaa ka hadlay Xildhibaan Cibaado Maax Cilmi oo ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley, Caaqil Axmed C/laahi Xareed (Weerar), Isu-duwaha Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Gobolka Gabiley Sheekhm C/raxmaan Xasan Muuse, Deeqa Aw Muuse iyo Dadwayne kale, kuwaas oo dhamaantood hogo-tusaaleyn iyo tilmaamba ka bixiyey Dhibaatooyinka Gudniinka Fircoonigu u leeyahay Hablaha, iyo waxyaabaha Diinta Islaamku ka sheegtay Jinsi Badalkal, Iyaga oo sidoo kale hoosta ka xariiqay in aanay isku caafimaad ahayn Hablaha gudo iyo kuwa aan la gudin.

Boorama: Lughayanews.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: