Ururka Samafalka Ah Ee AYODA Oo Maanta Degmada Dila Ku Qabtay Barnaamuj Ku Saabsan Joojinta Gudniinka Hablaha

AYODA-2-150x150AYODA-150x150AYODA-6-150x150AYODA-3-150x150

Dila (Lughaya.com)- Ururka wadaniga ah ee AYODA ayaa maanta ku qabtay bayaan balaadhan oo laga hadlaayay sidii loo joojin lahaa gudniinka hablaha,bayaankani oo gunaanad u ahaa mashruuc wacyigalin ah oo ujeedadiisu ahayd sidii loo joojin lahaa gudniinka fircooniga ah. Oo ka socday degmada Dila iyo Tuulada waxarowaalislay kaasi oo uu fulinaayay ururka AYODA.

Bayaankani lagu joojinaayo gudniinka waxaa ka soo qayb galay gudoomiye ku xigeenka degmada Dila iyo xoghayaha fulinta,slaadiinta dhaqanka,culimada,ururada haweenka,dhalinyarada dadweyne ka socday deegaanada ku hareeraysan deegaankaasi.

Ugu horeyn waxa kulankaasi ka hadlay Madaxa mashaariicda ee ururka AYODA Idiris Faarax Muuse oo ugu horeyn u mahadnaqay hay’ada UNFPA ee maalgelisay waxana uu sheegay in uu maanta aad ugu faraxsan yahay in dadweyaha degmada Dila iyo waxara waalislay ay ka midho dhaliyeen mashruucii wacyigalinta ahaa ee mudada afarta bilood ah socday,maantana ay codkooda ku muujiyeen in gabi ahaanba la joojiyo gudniinka fircooniga ah,waxa uuna ugu baaqay hay’adaha dawlada ee ay arintani khusayso in ay ka soo saaraan shuruuc xakamaynasa joojinta gudniinkaasi.

Waxa kale oo Bayaankaasi ka hadlay agaasimaha ururka AYODA Siyaad Cumar Cali waxana uu u mahad naqay hay’adii maalgelisay ee UNFPA,maamulka iyo dadweynaha Degmada Dila ee ku muujiyay codkooda Bayaankani una soo diyaar galoobay sidii ay gabi ahaanba -u joojin lahaayeen gudniinka Hablaha.Waxa kale oo Agaasimuhu intaa ku daray in mudaddii uu mashruucani socday si wanaagsan ay uga qayb-qaateen dadweynaha degmada Dila iyo deegaanadeeduba,waxa kale oo uu sheegay in gudniinkani dhibaato mooyee aan wax faa’iido ah lagu qabin,wuxuuna ka codsaday xukuumada iyo golayaasha sharci dejintaba in shuruuc laga soo saaro,dhegahana loo furo bayaanka dadweynaha.

Waxa kale oo bayaankaasi ka hadlay salaadiin,cuqaasha dhaqanka,haweenka,waxa kale oo lagu soo bandhigay heeso waxyigalin ah oo ku saabsan dhibaatooyinka uu dhaxalsiiyo gudniinku haweenka iyo gabdhahaba,heesahaasi oo ay dadweynuhu aad ula dhaceen una riyaaqeen.

Ugu danbayntiina waxaa halkaasi ka hadlay xoghayaha degmada Dila oo uu gudoomiye ku xigeenku u igmaday ,waxana uu sheegay xoghayuhu u mahad naqay hay’ada UNFPA oo maaligelisay iyo ururka AYODA oo fulinaayay mashruucani si firfircoona u gaadhsiiyay goobihii laga fulinaayay,waxaanan maaanta anaga oo ah masuuliyiitii degmada iyo dadweynihiiba bayaankani ku muujinaynaa in aan joojinay gudniinka hablaha oo dhaqan iyo diin midna aan ahayn,waxaanan dawlada ka codsanaynaa in la taageero bayaankani,waxa kale oo uu hay’ada UNFPA ka codsaday xoghayuhu in ay gaadhsiiyaan deegaanada kale ee ayna gaadhin wacyigalintani ee ka tirsan degmada Dila.

Dila: Lughayanews.

One Response

  1. […] Waxa kale oo Bayaankaasi ka hadlay agaasimaha ururka AYODA Siyaad Cumar Cali waxana uu u mahad naqay hay’adii maalgelisay ee UNFPA,maamulka iyo dadweynaha Degmada Dila ee ku muujiyay codkooda Bayaankani una soo diyaar galoobay sidii ay gabi ahaanba -u joojin lahaayeen gudniinka Hablaha.Waxa kale oo Agaasimuhu intaa ku daray in mudaddii uu mashruucani socday si wanaagsan ay uga qayb-qaateen dadweynaha degmada Dila iyo deegaanadeeduba,waxa kale oo uu sheegay in gudniinkani dhibaato mooyee aan wax faa’iido ah lagu qabin,wuxuuna ka codsaday xukuumada iyo golayaasha sharci dejintaba in shuruuc laga soo saaro,dhegahana loo furo bayaanka dadweynaha. […]

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: