Dowlada Britain Oo Shaacisay Wakhtiga La Qaban Doono Shirka Somaalida Iyo Waxa Lagu Gorfeeyn Doono

londonLondon(Lughaya.com) Rasul wasaaraha dalka Ingiriiska David Cameron ayaa shaaciyey wakhtiga la qaban doono shirka isagoo xusay in ISAGA (David Cameron) iyo Madaxweynaha Soomaaliya isku waafaqeen waqtiga la qabanayo shirka arrimaha Soomaaliya looga hadlaayo ee ka dhacaya magaalada London ee Dalka Ingiriiska sanadkan.

Ra’isul wasaaraha Ingiriiska ayaa barta uu ku leeyhaya Twitter-ka ku qoray in isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ay isla garteen inay wada martigeliyaan shir caalami ah kaas oo dhacaya,  7  May 2013  ee sanadkan kana qabsoomi doona magalada london.

Raysul wasaare David Cameron ayaa xusay in shirkani uu daba joogo kii sanadkii hore  lagu qabtay magaalada London bishii Feberaayo  ee sanadkii hore 2012.

Shirkan ayaa  diiradda lagu saari doonaa dib u dhiska dalka Soomaaliya iyo waxa ka qabsoomay shirkii hore ee London kaas oo lagu tilmaamay inuu ahaa mid wax weyn ka beddalay xaaladda Soomaaliya sida uu ka dhawaajiyey Raysul-wasaare Camaron.

Dalka Ingiriiska ayaa ah Sanadkan 2013-ka Guddoomiyaha dalalka dhanka warshadaha ku horumarey ee loo yaqaan G8, dhammaan dalalkaas ayaa ka soo qaybgalaya shirka iyo kuwo kale oo badan waxaana qorshaha ugu  weyni uu  yahay in Soomaaliya loo sameeyo Sanduuq dib loogu dhiso,  taageerada ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya  iyo dhismaha laamaha amniga ee Soomaaliya.

Waxaa  xusid muddan  in shirka London bisha May 2013 uu ka duwanaan doono kii hore maadaama Soomaaliya ay hadda ka jirto dowlad rasmi ah, taas oo heshiisyo caalami ah geli karta, inkastoo xaaladda nabadgalyo iyo khatarihii jiray ay weli intooda badan taagan yihiin.

London: Lughayanews.

One Response

  1. […] wasaaraha dalka Ingiriiska David Cameron ayaa shaaciyey wakhtiga la qaban doono shirka isagoo xusay in ISAGA (David Cameron) iyo […]

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: