Ergaddii Beesha Ciise Ee Baryahan Danbe Ku Sugnaa Magalada Hergeisa Oo Maanta Isaga Huleedhay Somaliland Kuna Sii Jeeda Ethiopia

ugaasHergeisa(Lughaya.com) Ergadii Beesha Ciise ee Xukuumadda Somaliland martida uga ahayd xal u helida dhibaatada ka taagan Gobolka Salal ayaa shalay ka baxday Hargeysa, iyagoo u kicitimay dhinaca Dalka Itoobiya, halkaas oo la sheegay inay ugu tagayaan Ugaaska Beesha Ciise ee fadhigiisu yahay Diridhaba.

Ergada Beesha Ciise lama oga fariinta ay qaadeen ee ay u geynayaan Ugaaska, hase yeeshee ilo wareedyo kala duwan ayaa tibaaxaya in ay Ugaaska u gudbinayaan natiijo aan fiicnayn oo ay kala caraabeen Xukuumadda Somaliland, taasoo ay in muddo ah ka rajaynayeen inay tabashada Beeshooda ee Gobolka Salal wax ka qabato.

Warkaas waxa uu intaas ku darayaa in labadii Habeen ee ugu danbeeyay Ergada Beesha Ciise kulamo kala duwan kala yeelatay tabashadooda Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, balse markii ay is af-garan waayeen hadana loo gudbiyay Madaxweynaha kaasoo ay qasriga Madxtooyadda kulankii ugu danbeeyay ee ay ku caraabeen ku wada yeesheen.

Labada kulan ayay ilo wareedyadda u dhuun daloola kulamadaasi sheegayaan in la iskula soo qaaday sidii Mansabyo muuqda Beesha Ciise loo siin lahaa, hase yeeshee waxa la sheegay in Mansabyaddaasi ay ku gacansaydheen, halka ay ilo wareedyo ka soo jeeda kooxo kale ay sheegeen in ay Ergada Beesha Ciise tidhi waanu ka soo tashanaynaa.

War kale oo kaa ka sii xoog badan ayaa sheegaya Ergada Beesha Ciise Madaxweyne Siilaanyo inay ka dalbatay Gobolka Salal guud ahaantiiba in loo aqoonsado Gobol ay iska leeyihiin isla markaana Beesha Awdal siyaasiyiinta ka soo jeeda looga qaado xilalka ay Gobolkaasi ka hayaan maadaama ay Gobolka Awdal leeyihiin, hase yeeshee soo jeedintaasi lama sheegin madaxweyne Siilaanyo inuu ka aqbalay iyo inkale.

Beesha Ciise ayaa hore uga soo saartay magaaladda Diridhaba sadex go’aan oo ay ku daadifaynayso Natiijaddii ka soo baxday Doorashadii Golaha Deegaanka Saylac iyo Lughay, Lahaanshaha Dhuleed ee Degmooyinkaasi, iyagoo dhinaca kalena Xukuumadda Baaq Digniin ah ugu diray, taasoo ay ku dalbanayeen wax ka qabashada dhibaatada ka taagan Gobolkaasi.

Hergeisa: Lughayanews.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: