Ra’isulwasaraha Soomaaliya Oo Si Dhayalsi Ku Jiro Ugu Hadlay Shirka Wadahadalada Somalia And Somaliland Ee Dhawaan Ka Dhici Doona London

saacidHergeisa(Lughaya.com) Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa shaaciyay in Xukuumaddiisa ay dib u bilaabi doonto wadahadalladii u dhaxeeyay Dowladda iyo maamulka walaalaha Waqooyi Galbeed Soomaaliya ee Somaliland ayuu yidhi Mr: Saacid oo warbaahinta la hadlayey, dhanka kalena wuxuu  Ra’isulwasaaruhu wadahadalladaasi ka muujiyey rajo wanaagsan.

Mudane ‘’Saacid’’ ayaa shaaca ka qaaday in ay xukuumadiisu bilaabi doonto Wadahadaladii nabadeed ee isku xiriyay dowladda iyo walaalaha Soomaaliland, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in wadahadaladaasi ay meel wanaagsan ku dhamaandoonaan.

R/wasaarae ‘’Saacid’’ ayaa hoosta ka xariiqay in midnimada Soomaaliya ay ku timid dadaal xoogiisu ka yimid walaalaha Soomaaliland, isagoo ku Guubaabiyay walaalaha Soomaaliland in hadda looga fadhiyo dadaal ka badan kii hore.

‘’Caalamka waxaan ka codsaneynaa in ay nagu gacan siiyaan dadaalka aan anagu la nimaado,  falsafada isbedel doonku waxaa weeye wixii gudaha ka yimaada oo dadka Soomaaliyeed ay rabaan in lagu gacansiiyo ee ma ahan gacan dheer in loola yimaado’’ ayuu yiri R/wasaare ‘’Saacid’’.

Arrintan uu ka dhawaajiyay R/wasaaraha ayaa loo arkaa mid dib usoo celin karta midnimadii iyo wadajirkii ummadda Soomaaliyeed.

Arintan ayaa ku soo beegmaysa wakhti dowlada ingiriisku cadeysay wakhti la qaban doono shirka wadahadalada ee dhex mari doona somalia and somaliland horaanta sanadkan Taas oo dowlada Mr: Saacid si uu dhalysi ku jiro ugu hadlay shirka  iyo sida somaliland ay ugu taagan tahay madaxbanaanideeda WAA KAAF IYO KALA DHEERI

Hergeisa: Lughayanews.

2 Responses

  1. […] uu ka dhawaajiyay R/wasaaraha ayaa loo arkaa mid dib usoo celin kartamidnimadii iyo wadajirkii ummadda […]

  2. Midinimada somalida waxan u arkaa in ay waajib in dib loo soo nooleeyo. waxa kale oon ku ganacsanahay in xaqiiqa tahay in la helo hab ay somalidu geed qudhaatey oo wayn u wada hadhsadaan. Nin horina wuxuu yidhi: Doqoni meel lagu xafiiltamay, waxay mooddaa in lagu kala tagay iyo Kala go’, kala lulasho iyaa dhaanta.

    Midnimadu waa waxa qudhaatey ee gudeheega iyo debeddaba badbaadin kara qawmiyadda Somalieyd.

    Midnimada ummadda somaliyed, ha jirto oo ha jooto.

    Wa billaahi Tawfiiq.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: