Deeqo lacageed oo la soo gaadhsiiyey dadkii waxyeeladu ka soo gaadahay baanaabixii xoraynta Saylac+SAWIRO

DSCF0516

DSCF0510

Jan,13,2013-Borama-(Lughaya.com ) Deeqo lacageed oo ka kala yimid Jaaliyadaha Gobolada Awdal/Selel Iyo Gabiley Ee Dalalka Holland iyo Sacuudiga ayna ka kala wakiil ahaayeen Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal Iyo Xidhiidhiyaha Qurba Jooga Iyo guda jooga Goboladaas Mudane Xaaji C/qaadir Aadam Nuur ayaa la gaadhsiiyay dadkii ku dhaawacmay kuna dhinta banaanbaxyadii ka dhacay magaalooyinka Boorama iyo Lughaya Ee Gobolka Awdal.DSCF0508
Munaasabadan qaybinta lacagta ah ayaa waxaa sidoo kale xusid Mudnayd lana qaybinayay gudoomiyaha Xawaalada Amoud Express oo ahayd xawaalada had iyo jeeraale la soo mariyo deeqaha lacageed ee dhinacyada Samafalka dadwaynaha Mudane Sheekh Cali Jawhar Cismaan Cumar waxa uuna sheegay in ay adeeg dheeraada ay u sameeyaan dadwaynaha Soomaaliyeed Ee Khayrka Jecel ee walaalahooda tabaalaysan had iyo jeeraale wax u soo diray ayna diyaar u yihiin waqti kasta haduu alla idmo
Sidoo kale waxaa iyagna halkaas hadalo mahadnaq iyo duco u badan ka soo jeediyay Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal Iyo Xaaji C/qaadir Aadam Nuur waxa kale oo ay sheegeen sida ay lacagaha ay ka kala wakiil ahaayeen iyo jaaliyadaha soo gaadhsiiyay meelaha ay ku kala nool yihiin ee ay lacagta ka soo direen Jaaliyada Holland ay ka soo gaadhay lacag dhan $2,000 Laba Kun Oo Doolarka Maraykanka Ah Halka jaaliyada Sacuudigana ay ka soo gaadhay $725 Todoboqol oo lacagta maraykanka ah.
Eheladii iyo qaraabadii dadkani ka dhintay ayaa ugu danbayn uga mahadceliyay deeqahan lacageed ee ay walaalahood u soo direen waxa ayna alle uga baryeen in aakhiro iyo aduunba ka abaaliyo waxaas ay la soobaxeen waxa ayna ka codsadeen Umadda Soomaaliyeed iyo walaalahooda kaleba in ay ku daydaan jaaliyadahaas soo xasuustay dadkan ku dhintay kuna waxyeeloobay halganka iyo difaaca dhulkooda.”

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: