Dowladda Soomaaliya Oo Canbareysay Howlgalkii Ciidamada Faransiisku Ka Gaysteen Deegaanka Buulo Mareer

sambolMuqdisho(Lughaya.com)  Kulan gaar ah oo ay xalay xubnaha golaha wasiirada kuyeesheen xafiiska Raiisal Wasaaraha Uuna Shir gudoominayay Raiisal Wasaare Cabdi faarax Shirdoon ayaa waxa ay uga hadlayeen Duqeyntii ay Ciidamada kumaandooska dowlada Faransiisku ay Ka sameeyeen Deegaanka Buula Mareer oo Ay Ku doonayeen inay Kusoo furtaan sarkaal Faransiis ah Oo Sanadkii 2009 laga afduubtay Magaalada Muqdisho duqeyntaas oo wax yeeshey dad Shacab ah oo ka agdhawaa goobta ay Argagaxisadu kuheysteen sarkaalkii u dhashay dalka Faransa waxa ayna xubanaha golaha Wasiirada kulankoodi xalay Ku cadeeyeen In Ay aad uga xunyihiin arintaasi.

Dowladda Soomaaliyana ay cambaareyneyso waxa ayna sidoo kale xubnaha golaha Wasiirada Katacsiyeeyeen dadkii Soomaaliyeed ee Ku geeriyooday duqeyntaasi Iyo Dadka Dowladda Faransa uga geeriyooday weerarki Buula Mareer.

R/wasaare Kuxigeen ahna wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan Ayaa markii uu soo gabagaboobay Kulankii ay xalay yeesheen golaha wasiirada Xukuuumada Soomaalya lahadashay Warbaahinta Qaranka waxa ayna tilmaamtay in Xukuumadu ay Ka Xuntahay raalina Ka aheyn duqeymihii Dowladda Farinsiisku ay Ka Sameeyeen deegaanka Buulo Mareer ee gobalka Sh/Hoose.

Dhinaca kale wasiirka ariimaha dibada Soomaaliya ayaa tilmaamtay in guul ay dowlada Soomaaliya Ka gaartay Burcad Badeeda Soomaalida ah iyadoo loo marayo hab wada Hadal Taasna ay suurta galisay in si shuruud La’aan ah ay Kusoo daayaan dad Ay Heysteen Burcadu Iyadoo sidoo kale R/wasaare kuxigeenku faraxad Ku tilmaamtay in Tiro Burcad Badeed ah oo Gaaraya 120  ay isisoo dhiibaan.

Habeen kahor ayey aheyd markii deegaan Kuyaala gobalka Sh/Hoose ay Ka fuliyeen Diyaaradaha dagaalka Faransiisku howlgal ay Kusoo Furanayeen Denis Alakis oo 2009 Laga Afduubtay magaalada Muqdisho howlgalkaasi oo Qasaaraha Ka dhashay Ilaa hadda Ay Faahfaahino dheeraad ah Kasoo Baxayaan, iyadoo Faransiiskuna war ay Kasoo Saartay Howlgalkaasi lagu Sheegay in hal Askari Iyo Denis Alakis oo ay afduubka u Heysteen Al- shabaab Ay Ku geeriyoodeen howlgalkaasi.

Hanjabaad ka soo yeedhay xukumada ayaa ku beegmaysa xili ayna waxba kala socon howlgalkii  ciidamada gaar ka ah ee faransiisku ay ka geesteen deegaanka Buullo mareer.

Muqdisho: Lughayanews.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: