Guddiga Dhaqaalaha Wakiilada Oo Wasiirka Duulista Wax Ka Waydiiyay Sharciyada U Fasaxday Lacagaha Sharci Darada Ah Ee Lagu Qaado Madaarada

duulistaHergeisa(Lughaya.com)  Guddiga dhaqaalaha golaha wakiilada Somaliland ayaa shalay wasiirka duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi kulan xogwaraysiya kala yeeshay sharciyada u fasaxday lacagaha Madaarada dalka dadka ka dhoofaya lagaga qaado iyo halka ay ku baxdo, taas oo ilo wareedyadu sheegeen in wasiirka duulistu lacagaha $10 ee laga qaado dadka dhoofaya iyo kuwa soo dagaya uu sheegay inaanu garanaynin halka lagu isticmaalo.

Kulanka guddiga dhaqaaluhu la yeesheen wasiirka duulista iyo hawada oo ka qabsoomay xarunta golaha wakiilada, isla markaana ay albaabadu u xidhnaayeen ayaa ilo wareedyo u dhuun-daloola kulankaasi ayaa  warbaahinta u xaqiijiyay in wasiirka duulistu uu dhinac iskaga leexiyay qaadista lacagta $10 iyo halka ay ku dhacdo, taas darteedna ilo wareedyadu tibaaxeen in wasiirku guddiga dhaqaalaha wakiilada u sheegay in cidda qaada lacagtaasi uu todobaadkan usoo gudbin doono, golahana hor keeni doono si loo sharciyeeyo lacagtaasi $10-ka dollor ah. Waxa kale oo wararku intaasi ku dareen in wasiirka duulistu sidoo kale guddiga dhaqaalaha u balanqaaday in lacagaha $1 dollar ee laga qaado gaadiidka galaya Madaarka uu golaha horkeeni doono maalinta Salaasada si goluhu go’aan uga gaadho xalaalaynta lacagahaa qayrul sharciga ah ee uu ku soo rogay Madaarada Berbera iyo Hargeysa.

Hergeisa:Lughayanews.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: