Dib u Sixid: Jabhada Ceelgaal iyo Degaanka Saylac oo Ah Jabhado Gaashaanbuur ah oo Taageersan Xildhibaanada Aqlabiyada Saylac ee ADAL

Breaking-News-logo1CEELGAAL – Degaanka Saylac ayaa maanta ku waabariisatay jabhado hubaysan oo kusoo qulqulay degaanka CEELGAAL ee degmada Saylac. Jabhadan oo taageersan shacabka aqlabiyada Saylac ee ku guulaystay tartankii doorashada degmada Saylac iyo Lughaya kadib markii maamulka Somaliland ku fashilmay qadiyada Saylac. Jabhadan oo kusoo beegantay kadib markii askar Hargeysa ka timid ay xidheen xafiiskii gudoomiyaha degmada ee Saylac. Jabhadan hubaysan oo Itoobiya laga soo hubeeyey ayaa shacabka Saylac ku tilmaameen mid aad uga turjumaysa dareenka iyo kalsoonida shacabka Saylac ay qabaan oo diyaar u ah inay af iyo adinba ku difaacdaan dalkooda.

Waxay wararku intaa ku darayaan in maamulka Hargeysa uu kaalin laxaadle kaga jiro xasilooni darada ay Jabuuti ka wado degaanka Xeebaha Awdal iyo Selel. Hadaba shacabka reer Awdal, Selel iyo Galbeedka Gebilay ayaa si buuxda uga aamin baxay maamulka Hargeysa. Siyaasiyiintii Hargeysa kaga jiray reer ADAL ayaan iyagu wax hadal ah wali laga maqal oo ay  ku diidan yihiin maamul goboleedka sii dumaya ee jaho wareeray.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ay ku jiraan jabhadan taageerayaasha milishiyo beeleed fadhigeedu ahaa jiida u dhaxaysa Awbare iyo Xariirad oo AwdalState (Gdal) diyaar garaysay

Wakhtigan oo kusoo beegmay wakhti beelaha Saylac aqlabiyada ku haystaa ay si fudud u abuuri karaan kala go’ ku yimaada maamulka Hargeysa iyo Beelaha Borame iyo Saylac. Dagaalkan ay jabuuti ka wado xeebaha Adal ayaa loo gudbiyey qaramada midoobay, midowga Afrika, midowga Yurub iyo dalalka deeq bixiyayaasha oo maalmihii ugu danbeeyey wada hadalo u socdeen aqoonyahada Adal iyo deeq bixiyayaasha.

Sidoo kale wadahadalo u sicday beelaha Absame iyo Gadabursi ayaa guul ku dhamaaday waxana la filayaa in si toos ah ciidanka “New Police” ay uga hawl galaan degaanka Wajaale ilaa Bulaxaar.

Burburkan beesha Isaaq ay la beegsatay qadiyadii Somaliland ayaa ah mid shacabka Galbeedka ee beelaha Gadabursi ay mudo dheer iska indho tirayeen. waxay wararku sheegayaan in dagaalkani yahay kadib markii beesha dhexe loo xaqiijiyey in wax ictiraaf ahi jirin lacagihii deeqaha ahaana loosoo dhex marin doono Muqdisho kadib isha kaliya ee ay moodayaan inay u banaan tahay ay tahay Jabuuti oo u dooda qarafadana uga barida dalalka dibeda ee ka aamin baxay maamul goboleedka Somaliland.

Wixii warar ah ee soo kordha kala soco Lughaya News

One Response

  1. ______________________________________________________

    Doqmo la isku diraayo oon dantood garaynin.
    Waxaa nasiib darro ah in somaliya u kaceen jiil aan cilmi diineed iyo ku dhaqan midna garanayn, oo ku anqarinaaya da’yarta sun iyo waabay, oo dhaxal uga dhigay nacayb iyo cadaawad aan sabab lahayn oo indho iyo dhegoba la’.
    Kuwaa waxaa ka daran kuwo gadh cascas oo kameerada afka hoos haya oo malaha mooda in tvga oo laga soo baxaayi tahay wax lagu faano amaa ilbaxnimo.
    Haba ka soo baxaane si qaldan u adeegsanaaya, oo aan garanayn hadal ay tuurayaan ee gadhaaya dad aad u faro badan ay saamayn ku yeelanayso xidhiidhka dadka walaalaha ah.
    Waxaase nasiib darro ah in kan kameerada haya iyo kan fitnada hurinaaya ee hoos fadhiya kaameerada waxba is dhaamin, waxaa ka daran kuwii caqliga lahaa oo ka baqaaya in ay xaqa sheegaan, markaas baad moodaaba in war baahintuba u xidhan tahay fitna wadayasha.
    Akhriyow aan kuu dhib yareeyee anigu waxaan ahay nin Somali ah una dhashay Somaliland, ka sii dhashay Awdal iyo Selel.
    Awdal Hooyaday baa leh Selela aabahay baa leh, labada gobalna anigaa leh
    Intaasi waa hordhac fudud oo aan ka soo qaatay dulucda maqaalkayga.
    Waxa maanta ka taagan Goboladii hooyaday iyo aabahay igu dhaleen waa wax qalbigu ka ooyo, niyaduna ka qanacdo oo ay qaadan waydo.
    Waxaan arkayaa in dadkii ka talin jiray labda gobol ee soojireenka ahaa, ee abayaashood iyo awowyaashood ay ka talin jireen ee nabadda toli jiray in aysan maanta talinaynin, waan ogahay odayyaashii garanaayay waxa la isku yahay, kuwii kala garanaayay nabad iyo colaad, kuwii daawayn jiray marka ay coolaadi salaq tidhaahdo, kuwii xeer ku kala bixi jiray, in aysan maanta nooleyn, waxaanse filaayay kuwii ay dhaleeni in ay dadka kala hagi doonaan, oo wixii gardarro ah diidi doonaan labada dhicanba, wixii gar ahna sheegi doonaan, taladana gacanta ku qaban doonaan, ilaa maanta ma arko kuwaas aan tabaayo, waxaan arkayaa kuwo aan hido iyo dhaqan u lahayn talada iyo hogaaminta beelaha oo xil aysan garanayn macnihiisa dusha saartay oo kolba dhan ula cararaaya, howlna ka dhigtay in ay isku diraan dadkan wada dhashay ee dad iskugu xigga, hadii aysan sidaa yeelina quud ma helayaane bal sidaa ogaada, miyaanad odhan Karin quutul daruuriyahoogii baa galay dhiiga dadka wada dhashay? Aniga waxay ila tahay sidaas.
    Waxan maanta ka socda degaankii xundhurtaydu ku aasnatahay waxaa sabab u ah maamulka Hargeysa.
    Anigu waxaan ahay kuwa taageersan dowladnimada Somaliland, laakiin waa baa iiga baryay marka aan arkay sida uu maamulku u talinaayo, waxaan moodaayay in wax dowlad ahi ka jirto Somaliland, laakiin waxaa xaqiiq ah in qabiil u dowladaynaayo qabaailkii kale, isla markaasna isku diraayo.

    Asaaska fitnadan socotta waxay ka alkumantay doorashooyinka lagu mashquuliyay dadka, waxaana masuul ka ah dadka maamulkan wada, sababtuna waa sidan:
    1) Haddii maamulku daacad yahay waxay horta ka shaqayn lahaayeen sidii loo cadayn lahaa kuraasta ay beeluhu kala yeelanayaan gobol kasta, ka dib ayaa loo carari lahaa doorashada iyadoo beel kasta garanayso caddadda kuraasteeda, taa maamulku ma yeelin waayo wuxuu doonayay in ay ka dhex qaraxdo beelaha wada degga waxaa manta socda
    2) Markii ay doorashadu dhamaatay dad baa soo cowday, oo soo sheegay in sanaadiiqda lagu shubtay, maamulku uma dirin gudi xaqiiqo raadis ah, balse wuxuu goostay in ay beelaha wada dega Awdal iyo Selel isku dhacaan, waxaa taa daliil u ah in ay marna yidhaadeen hala baadho arrinta saylac iyo lughaya, marna ay guri la galeen beel ka mid ah beelaha wada dhashay ee wada dega labadaas gobol, oo waliba arrintoodu ay keentay in dhallinyaro waxba galabsan la soo saaro oo been loo sheegay ay naftooda ku waayeen, wax alla was manta ay noftooda ku waayaanna aysan dhex oolin dadka.
    3) Dhiiga dadka saylac askar beeloodku ku dileenna waxaa ka masuul ah maamulka hargeysa, aduunwaynuhu waa in si deg deg gudi xaqiiqo raadis ah u soo diraan saylac si ay u arkaan beeshan hubaysan ee beelihii kale u dowladaynaysa.

    Arrinta labada beelood ee wada dega Awdal iyo Selel waa: Doqmo la isku diraayo oon dantood garanaynin.

    Baaq gaar ah

    Waxaan baaq u dirayaa Labada beelood ee degan Awdal iyo Selel:

    Waxaan la hadlayaa inta garaadka leh:
    Dhulka ilaahay baa horta leh, ka dibna dowlad cadaalad ah markay jirto baa leh, muwaadinkuna wuu ku noolaan karaa meeshuu doono.
    Waxa maanta carqaladda geliyay noloshii dadkeenna waa maxay? Waad ogtihiin anna waan idiin sheegi:

    Beel qayrkiin ah oo idinla siman baa idiin dowladaysay idinna gadhkaad u lusheen, kolba kan ay la joogaan mooyee kan kale ay caayaan oo ku diraan kan hor jooga.

    Ilaa markii eebe dhulkaas inagu uumay waa la wada deganaa, waa la wadaagi jiray cows iyo ceelba, gayaan baa la ahaa, abti iyo awow baa la ahaa, beel kastana meel ay taallo oo degaan u ah baa jira, jirtayna, waxa keliyaa ee manta cusubi waa kala didiyaha isku diraha u dowladeeyay dadkii islahaa.

    Caqligu wuxuu I siinayaa in siilaanyo uusan doonayn in Somaliland ay hesho aqoonsi dowli ah, oo heshiis qarsoodi ah uu kula jiro somaliwayne.
    Doonayana in beeshiisu(waa tan dhexee) ka hesho somaliya ugu yaraan afar state, inta kalse wax kama galin.
    Waxaad ogtihiin markii uu u magacaabay gudoomiye reerkiisa ah gobalka saaxil ee ay ka keceen kuwa
    Degaanka u leh saaxil, wuu ka bedelay, waayo ma doonayo in ay isku dhacaan beelihiisu, waxaadse aad aragtaan in uu ku raaxaysanayo isku dhaca reer galbeed, sida uu ugu raaxaysanayo isku dhaca reer bariga.

    Somalilannay waxba meesha idiinma yaalliin ee kala ceshada maatada iyo maan gaabka hurinaya dabka siilaanyo iskugu dhiibay, kala gaadha oo badbaadiya dadkeenna.

    Dadka garaaku ku dambeeyay ee aan la hadlaayo waxaa ka mid ah kuwa aqoonta sheeganaya iyo kuwa diinta sheeganaya ee jooga Awdal iyo Selel.

    Dalku wuu inagu filan yahay wuuna inaga badan yahay, ee ka shaqeeya horuumarkiisa inta aad gadhka u lulaysiin nin doonaaya burburkiinna.

    Waxaan la hadlayaa kuwan ku hadaaqaaya waa nala doortay:
    Maxaad xukumi hadii dadkii aad u talin lahayba midiyaha la iskugu dhiibay??
    Fitnad baad madax u noqoteen, waa la iskukiin diray oo dulmi baad run moodeen.
    Eraygan : “ One man one vote” kama shaqeyso aduunyada badhkeed, gaara ahaan Afrika, waxa ka sheqiiyi waa “common sense iyo consus”, waa istixgelis la isku tixgeliyo sida loo kala dego.

    Isticmaarkii ingriiska ilaa doorosho ku sheega sunta wadatta ee siilaanyo adeegsanayo si dadka u qaybiyo markaana u yeedhiyo wuxuu doonaayo, labdeenna beelood way wada degi jireen, maxaa manta cusub??
    Waxa cusubi waa:
    Taladii oo ay qabteen kuwo da’ yar oo aan garanayn waxa la isku yahay, kuwaas oo dhegta loogu sheegay wax been ah oo ah taa keentay in aabihii iyo abtigii collobaan oo isdilaan.

    Waxaa kaloo jirta jabhad hubaysan oo khasab ugu dowladaynaysa beelo la siman.

    Labada beelood ee wada degta Awdal iyo Selel waxaan ugu baaqayaa :-

    1) In ay xeerkii soo jireenka ahaa iyo wadan wadaagoodii hore ay ku kala baxaan oo ay ku xalliyaan khilaafka la dhexdhigay.
    2) Waa in ay shir furan iskugu yimaadiin oo uga tashanayaan danahooga.
    3) Inay iska illoobaan maamul fitnadeedka isku diraaya, oo iska tuuraan waxan loo soo malmaluuqay.
    4) Waa in ay ogaadaan in dantoodu ku jirto somaliwyne ee aysan ku jirin qabiil yar oo fidmo-ka talisah, kuwan qurba joogana waxaan u soo jeedinayaa in ka shaqeeyaan midnimada labada beelood ee isdhallay ee beesha dhexe ay iskugu dhiibatay midiyaha.
    5) Waa in ay u arkaan maamulkan Siilaanyo in uu yahay beel la siman, sida manta ay beeshan ugu dowladeaynayso beelaha la leh dalkan , taasi waa doqonniimo
    Indho laga cabsadaa ilaahaybay ku yaalliine maamulka hargeysi ma hanan karo dowladnimo,dadka Somaliland ee galbeedka iyo barigu waa in ay ka tashadaan aayahooga, oo aysan marnaba beel la mid ah ka yeelin in ay u dowladeeyaan.
    Dowlad baa ka jirta Somaliland way beenowday, fitnnad baa ka jirta.
    Reer awdaliyo selel , amaa ciise iyo gadabuursi, waxaad manta noqoteen “Doqmo la isku diraayo oon dantood garaynin”

    Dr Bowlax Maxmad

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: