Jabuuti: Ismacil Cumar Geele oo Xanuunkii Kusii Adkaaday, Soo Guryo Noqoshada Mucaaridka Wayn ee DAF, Xasuuqa Canfarta iyo Siliga oo Laga Talaabiyey Reer Guuraagi Jabuuti

ismaciliyoMelesDJIBOUTI – Xanuunka la qarinayo ayaa wararku sheegayaan inuu kusii adkaanayo madaxwayne Ismacil Cumar Geele. Sida ay wararku sheegayaan ayaa waxa soo kordhaya in la sheegay in cudarka Faalijku ama “stroke” ba’ani ku dhuftay madaxwayne Ismacil Cumar Geele oo loola cararay xagaa iyo dalka Jarmalka oo cilaaqaad u la samaystay kadib markii uu Faransisku ku eedeeyey inuu dilay xaakim ka mid ahaa maxkamada Jabuuti oo Borrel la odhan jiray.

Madaxwayne Geele oo aan lahayn cid uu aamino oo uu xilka ku wareejiyo si aan maxkamad loo soo saarin marka uu xukunka ka dego ayaa waxa laga baqayaa in dalka Jabuuti uu ka qarxo dagaal sokeeye. Dalka Jabuuti oo ah magaalo kaliya oo hal madfac aan kasoo hadhi karayn guryaha oo ka dhisan loox (alwaaxyo) aad u gaboobay darteed oo dabku si fudud u qabsan karo. Dalku malaha wakaalad dab damis ah oo shacabka u gurman karta. Jabuuti waxa lagu tilmaamaa Suwetodii afrikada Bari; Shacabka inta masaakiinta ahi waxay ku nool yihiin xaafadaha loogu yeedho Kaarteeyada (Quarters) halka kuwa lacagta haysta ee dalka maamuulaa ay ku nool yihiin xaafadaha laagu yeeedho Guudka ama Siiteeyada oo laga dhisay bad la aasay.

Dahir Axmed Farax (DAF) ayaa dalka Jabuuti kusoo noqonaya kadib markii dalka Maraykanku ku amray Ismacil inuu dalka u fasaxo maadaama oo uu ku jiro xaalad caafimaad oo aad u ba’an. DAF oo aan u hayn wax abaal ama naxariis ah kaligi taliye, gacan ku dhiigle Ismaciil Cumar Geele oo shacab badan jidh dil ku sameeyey dad badana xasuuqay wakhtigii Xassan Guuleed iyo inta uu yahay madaxwaynahaba.

Shacabka muwaadiniinta ah ee canfarta ah ayaa iyagu aad u kacsan sida wararku sheegeena shacabka Gadabursiga oo ay xulufo yihiin ayaa wadahadal goos-goos ahi u socday waxayna isku afgarteen in laba shacab ay yihiin dad isku dan ah ayna ka go’an tahay sidii Jabuuti loogu soo celin lahaa gacanta Canfarta iyo Beeleeha Gadabursi oo xaq u lahaa intii Faransiisku gacanta u galin shacab ka yimid Itoobiya oo u basaasayey Gaaladaii gumaysiga.

Dadkii reer guuraaga ahaa ee Saylac daaqi jiray ayaa ka qaxay kadib markii ay arkeen in dad dano gaar ah ka leh oo mashaariic ku qadaan jiray ay u horseedeen amaan daro iyo cabsi ay ka qabaan in shacabka degaanka u badan ee reer Saylac (Tafiirtii Axmed Guray loogu yeedhaa) ee beelaha Gadabursi ay isku gardarada Jabuuti ka dhiidhiyaan ilaa imika ay dooranayaan nabada iyo deganaanshaha degaanka xeebaha oo in badan u kiraysnayd beesha Jabuuti oo Saylac ay ku noqotay amaano kugu raagtay xoolahaaga la moodaa.

Bahda Lughaya Saylac

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: