Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Sheekh Shariif Oo U Kicitimay Dalka Maraykanka Kulana La Yeeshay Wasiirka Gaashandhiga Somaaliya Mr: Fiqi

shariif ans fiqiKampala(Lughaya.com)Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Shariif Sheekh Axemd ayaa shalay u dhoofay dhanka dalka Mareykanka kadib markii uu casumaad ka helay mid ka mid ah jaamacadaha dalkaas.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kampala ee Entebe kusii sagootiiyey madax ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay wasiirka gaashaandhiga C/xakiim Max’ud Xaaji Fiqi.

Madaxweynaha ayaa waxaa casumay Jaamacad ku taalla magaalada Boston ee dalka Mareykanka, faahfaahin badanna lagama hayo sababata uu halkaas u tegayo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Shariif Sheekh Axmed halkaas ku diyaarinayo darajasa Masterk-ka, islamarkaana jaamacadda ka jeedin doono Khudbado  ku saabsan waxyaabihii uu Soomaaliya ka qabaty tan iyo markii uu madaxda ka ahaa Maxkamadihii Islaamiga ahaa jaamacada Boston ayaa ah jaamacad inta badan ay madaxweynasha  lagaga Adkado doorshada ee si nabad galyo ah ugu  taga xukunka ay Khudbado sharaf ka jeediyaan taas oo madaxweynaal badan oo caalamka soo xukumay ay hore ugu jeediyeen Khudbado.

Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa dowladda Uganda ka helay deganaasho laga siiyey magaalada Kampala, kadib markii uu ka guuray magaalada Muqdisho bishii November ee sanadkii hore, iyadoo madaxweynaha xilligan Xasan Sheekh uu uga guuleystay doorashadii bishii September ka dhacday Muqdisho.

Kampala: Lughayanews.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: