Al-Shabaab Oo Sheegtay In Askari Faransiis Ah Oo Ay Dhawaan Dhawaca Ku Qabteen Uu Geeriyooday

shababMuqdisho(Lughaya.com) Kooxda al-Shabaab ayaa sheegtay inuu dhaawacyo uu qabay uu u dhintay askarigii labaad ee Faransiiska kaddib markii ay ku guul-darreysatay badbaadinta noloshiisa.

Afhayeen u hadlay al-Shabaab ayaa sheegay in uu askariga u dhintay dhaawacyo rasaaseed ka soo gaaray iska horimaadkii ka dhacay deegaanka Buulo-Mareer ee u dhaxeeyay ciidanka Faransiiska iyo Islaamiyiinta al-Shabaab.

Al-Shabaab waxay sheegtay inay dhowaan soo bandhigi doonto meydadka labada askari ee Faransiiska uga dhimatay howlgalka, Milateriga Faransiiska ayaa ciidan si gaar ah u tababaran u diray koonfurta Soomaaliya habeenkii Jimcaha si ay isugu dayaan xoog ku soo furashada Denis Allex oo ka tirsanaa sirdoonka Faransiiska, kaasoo ku jira gacanta al-Shabaab tan iyo sanadkii 2009.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inuu weli nool yahay Denis, isla markaana ay go’aan ka qaadan doonto halka uu ku dambeyn doono, Afhayeenka al-Shabaab Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in askariga labaad uu u dhintay dhaawacyo rasaaseed uu qabay. “Waan soo bandhigi doonnaa meydadka labada nin ee Faransiiska ah.”

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa sheegay inay howlgalka uga  dhinteen  labo askari, isagoo intaas raaciyay inay al-Shabaab dishay la-hayste Mr. Allex. Wasiirka difaaca Jean-Yves Le Drian ayaa  dhankiisa sheegay in 17 Islaamiyiin ah lagu dilay howlgalka.

Muqdisho:Lughayanews.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: