Golaha Guurida Oo Ka Dooday Siyaasada Arimaha Gudaha Iyo Dibada Ee Somaliland Iyo Shaki Qaarkood Ka Muujiyeen Wadahadalada Soomaaliya

guurtidaHergeisa(Lughaya.com) Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa  dood ka yeeshay siyaasada arimaha gudaha, dibada iyo amaanka guud ee dalka, waxayna uga hadleen siyaabo kala gedisan iyadoo dhowr xildhibaana isaga danbeeyeen hadalka taas oo qaarba dhinac iska tageen siyaasada hada dalka lagu hago.

Mudanayaasha dooda ka qayb-galay, oo badankoodu diirada saarayey siyaasada arimaha gudaha iyo xaalada nabadgalyo ee dalku wakhtigan marayo, ayaa qaarkood soo jeediyeen in la joojiyo tartanka ciyaaraha Gobolada dalka ee la doonayo in lagu qabto Garoonka Hargeysa, halka qaarkoodna soo jeedyeen in xal laga gaadho tabashada dadka diidan in Garoonka Hargeysa Statium lagu qabto ciyaaraha Gobolada dalka.

Ugu horeyn xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye, oo halkaasi ka hadlay ayaa ka faalooday aragtidiisa ku aadan siyaasada arimaha gudaha ee wakhtigan iyo xaalada nabadgalyo ee dalka “Siyaasada arimaha gudaha ma odhan karo sidii ay ahaan jirtay ayay tahay, mana odhan karo wax dhibaato weyni way jiraan, imika oo u dambaysay qalaanqal badanbaa jiray, waxaasina siyaasada dibada way saamaynaysaa”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray  “Waxa kale oo aan leeyahay siyaasada arimaha guduhu saddex qaybood-bay ahaan jirtay, saddexdii qaybood qayb ayuunbaa ka soo hadhay, waxay lahayn jirtay nabadgalyadu Madax-dhaqameed, Guurtida iyo xukuumadda, maanta ma arko tallo midaysan oo saddexdaa qolo ay leeyihiin, arintaasina xukuumadda ayay ku soo ururtay oo hogaan dhaqameedkii iyo Guurtidiiba gacmahooda way ka baxday, haddana haddii labadaasi ay farahooda ka baxday, haddana waxa xukuumaddu ku waajib ah inay bakhtiiso halkii ay wax ka kacaan ama iyaddu sabab ha u noqoto ama cid kale ha u noqotee, markaa waxaanu xukuumadda waydiidaysanaynaa haddii aad adigu kicisana bakhtii, haddii cid kale kicisana bakhtiidee”

Xildhibaan Ibraahim Ciise Buux, ayaa isaguna si kooban u yidhi “Siyaasada arimaha guduhu waa mid balaadhan, dhibaatada waxa keenayaana waa dadka oo aan runta loo kala sheegaynin”

Xildhibaan Caydiid, oo isagu ka hadlay tartanak ciyaaraha Gobolada dalka ee Muranku ka taagan yahay iyo wada-hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Haddii la yidhaahdo halkaasi (Hargeysa Stadium) nabadgalyo daro ayaa looga joojiyey, anigu waxaan leeyahay dhibaatada iyo tabashada jirta hala xalilo oo yaan ciyaaraha la joojinin, dalkana cidii nabadgalyo daro wadaa haka dayso”

Xidhibaanku waxa kale oo uu soo qaaday  “Ninkaa arkaybaa la yidhi Wadada Xamar oo la samaynayo, markaasuu yidhi armoo la inoo soo raacaa, waxaan leeyahay Xamar wada-hadalkeedaasi waxa la inoo qaatay wada hadli karimaynadii, waar ninkaa reer Xamar waxba inooma ogola, inaguma waxba uma ogolin, waar-yaadhaheen wada-hadalkaa Xamar ma iska xidhnaa, Xamar wataa dawlad samaysatay ee Madaxwayne samaysatay ee raysal-wasaare samaysatay, wataa wax walba sidii ay u samaysan jirtay u samaysatay, wax alaale iyo wax inooga banaan oo inoogu hadhsani ma jiro, waar ninkii Ingiriiska ahaa ee lahaa waxbaan dhexdhexaadinayaa Xamar-buu degay, waar iska hubinaa oo i-iinyadeenii maku noqonaa”ayuu yidhi.

Xildhibaan kale ayaa isaguna soo jeediyay sidan “Waxaan soo jeedin lahaa in la joojiyo tartanka ciyaaraha Gobolada, haddii aan la joojinayna loo wareejiyo Burco ama Berbera, haddii aan laga hortaggin waxa soo guuxaya ka daba tageedo macno malaha”ayuu yidhi.

Hergeisa: Lughayanews.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: