Tartankii Ciyaaraha Gobolada Somaliland oo Dib loo dhigay kadib markii Beesha Arab oo ka cadhooday doorashadii ay ku hanjabeen in aan Garoonka caasimada hargaysa lagu qaban karin

raygal

Hargeysa-(lughaya.com)- Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Mudane Cali Siciid Raygal ayaa maanta ku dhawaaqay in tartanka ciyaaraha goboladda oo lagu waday inay ka qabsoonto Hargeysa 15-ka Bishan dib loo dhigay illaa 2-da Bisha June ee sanadkan 2013-ka.

 

“Waxaanu qaban doonaa tartanka ciyaaraha Goboladda haddii ALLE idmo 2-da bisha June, waana codsi nooga yimid dadka qurbe jooga ah ee reer Somaliland oo naga dalbaday in lala sugo wakhtiga xagaa baxa,”ayuu yidhi Wasiirka Dhalinyaradda, Ciyaaraha Md. Cali Siciid Raygal oo xafiiskiisa ugu waramayay qaar ka mid ah warbaahinta.

Warar xog ogaal ah ayaa shabakadda wararka ee lughaya.comu xaqiijiyay in dib u dhigista Ciyaaraha ay sabab u noqdeen kulamo is dabo joog ah oo ay maalmihii la soo dhaafay ay Hargeysa ku yeesheen xubno ka mid ah salaadiinta degmadda Axmed Dhagax iyo Golaha Wasiirrada xukuumadda, kuwaasi oo isku waafaqay in xanaftii doorashadda ee wali sii qoyani aanay suurto-gal ka dhigayn in la qabto ciyaaraha goboladda oo bulshaddu si weyn iskugu diyaarisay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: