Wasiirka Daakhiliga Somaliland Oo Safar Shaqo Ku Tagay Saylac Iyo Maayirka Cusub Xusseen Iidle Barkhadle Oo Halkaas Ku Soo Dhaweeyey.

wasiirka-daakhiligaHargeysa (lughaya.com)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraalle (Duur) ayaa socdaal shaqo ku tagay magaaladda Saylac ee xarunta gobolka Selel.

Wasiirka Daakhiliga waxa si diiran ugu soo dhaweeyay magaaladda Saylac Maayarka cusub ee degmadaas Md.Xuseen Iidle Barkhadle, Xoghayaha degmadaas iyo dadweyne tiro badan oo ku dhaqan magaaladaas.
Wasiirka Arrimaha gudaha oo hadal kooban u jeediyay dadweynaha Saylac ayaa sheegay inuu socdaalkiisu salka ku hayo sidii loo hirgalinlahaa howlaha maamul ee golaha degaanka islamarkaana kooxaha qaswadeyaasha looga sifaynlahaa degaanka.

Wasiirku waxa uu xusay inuu kulamo la yeelan doono waxgaradka degmadda Saylac iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadda gobolka Salel.
Wasiirku waxa uu tilmaamay in socdaalkiisu uu qaadan doono muddo dhawr maalmood ah. Isla markaana uu ku rajo weyn yahay in xal laga gaadho khilaafaadka iyo xanafta doorashadda deegaanku ay kaga tagtay degmadaasi.

Degmadda Saylac oo Golaheeda deegaanku 17 xubnood ka kooban yihiin ayaa laba ardaa oo halkaasi wada degaa ku kala bateen golaha waxaana beeli ay heshay 10 xildhibaan, halka beesha kalena ay heshay 7 Xildhibaan oo qudha, waxaana Xildhibaanadii aqlabiyadda ahaa ay doorteen Maayar iyo maayar Ku xigeen sifo sharci ah loo doortay, halka beesha kalena ay qaadacday taasina sababtay rabshado dhimasho iyo dhaawacba geystay.

Saylac:Lughayanews:

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: