Howlgalkii Ugu Balaadhnaa Oo Ciidamada Nabadsugidu Ay Kawadaan Maalintii Labaad Magaalada Muqdisho

dad_lasoo_qabqabtayMuqdisho(Lughaya.com) Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa howlgal amaanka lagu sugayo waxaa ay ka sameeyeen degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir sida degmada Wadajir.

Ciidamo isugu jira Boolis iyo nabad sugid ayaa saaka aroortii ku faafay xaafadaha Buulo-xuubeey iyo Nasteexo oo katirsan degmada Wadajir, waxaana ciidamadu ay qab-qabteen dad aad u badan oo la tuhunsanyahay in ay la shaqeeyaan xarakada  Al-shabaab.

Dadka deegaanka ayaa  warbaahinta  qaarkood u sheegay in ciidamada baaritaanada sameynaya ay guryaha ugu galaan dadka ,islamarkaana laga baarayay haddii ay yaalaan waxyaabaha amaanka wax u dhimi kara.

Howgalkan saaka laga bilaabay xaafadaha Buulo-xuubay iyo Naseexo ee ka tiran degmada wadajie ee gobolka ayey ciidamadu gacanta ku soo dhigeen tiro dad ah oo lagu tuhmayo in ay ka mid yihiin argagixisada Shabaab.
Saraakiisha hogaamineysa ciidamadaasi howlgalka wada ayaa  sheegay in u jeeda ka danbaysa  howlgalkaasi uu yahay sidii loo sugi lahaa amaanka Degmooyinka gobolka Banaadir

Maalintii shalay ayey ahayd markii howlgal ciidamada ay sameeyeen  477  ruux oo dhalinyaro ah  lagu soo qab-qabtay degmooyinka Heliwaa iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir kuwaasi oo amni daro lagu eedeeyay,waxaana qaarkood la sheegay inay xiriir la leeyihiin Alshabaab ,sida saraakiisha nabad sugida ay sheegeen.

Muqdisho: Lughayanews.

 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: