Madaxweynaha Soomaliya Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Maraykanka Iyo U Jeedada Safarkiisa

From-Jabuti-to-Itoobiya-981Minnesota(Lughaya.com) Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Washinton ee dalka Mareykanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa Magaalada Washinton ku soo dhaweeyay madax ka tirsan Mareykanka iyo Jaaliyadda Soomaalida ee ku sugan dalkaasi.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibada Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo La taliyeyaashiisa gaarka ah.

Madaxweynaha ayaa la dajiyay mid ka mid ah Hotelada ugu waa weyn Washington, halkaasoo amaankiisa si gaar ah u ilaalinayaan Ciidamo gaar ah.

Sida uu sheegay mid ka mid ah Jaaliyada Soomaalida ee Washington Madaxweynaha ayaa la kulmaya Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Mareykanka, iyadoo uu Khamiista uu tagi doono magaalada Mennistota oo ah magaalada ay Soomaalida ugu badan ku sugan yihiin.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu la kulmo doono Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradaha Arrimaha Dibada iyo Gaashaandhiga, sidoo kale waxaa uu la kulmi doonaa hey’ada ugu weyn ee gar gaarka Mareykanka ee USAID.

Booqashada oo ah tii u horeysay ee Madaxweynaha Soomaaliya ku tago Mareykanka tan iyo markii bishii September la doortay ayaa ku soo aaday, iyadoo maalmaha soo socda mar kale Xafiiska Madaxweynaha loo dhaarinayo Madaxweyne Barack Obama oo dhamaadkii sanadkii hore ku guuleystay doorashadii labaad.

Minnesota: Lughayanews.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: