Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliland Oo Hortagay Warbixina Ka Siiyey Gudiga Ilaalinta Hantida Qaranka Ee Barlamaanka Somaliland

duulistaHergeisa(Lughaya.com) Wasiirka duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa hawl qabadka wasaaraddiisa uga warbixiyey guddida ilaalinta hantida qaranka ee baarlamaanka Somaliland.

Wasiir Maxamuud Xaashi oo kulankan xildhibaanada ka tirsan Guddida ilaalinta hantida qaranka kulan kula yeeshay xarunta golaha wakiilada ayaa warbixin dheer xildhibaanadu waxa ay su’aalo ka weydiiyeen hawl qabadka wasaaraddiisa iyo hanaanka ay u maamusho madaarada Dalka.

Xildhibaanada ayaa su’aalahooda u ku qotomeen lacag ay baarlamaanka u soo bandhigeen wasiirka maaliyada wakhtigii miisaaniyada qaranka la ansixinayey oo uu sheegay in aanu ka war hayn, taasi oo ahayd lacag xadigeedu gaadhayso $10 oo laga qaado dadka ka dhoofaya madaarada Dalka.

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa su’aalaha arintaasi la xidhiidha kaga jawaabay in ay qaado lacagtaasi shirkada Nasha oo la shaqaysa wasaaradda duulista iyo hawada Somaliland, kalana shaqaysa hawlaha madaarka. Waxaanu wasiirku tilmaamay in lacagtan aan wali baarlamaanka laga ansixin balse baahi jirta awgeed ay go’aankaasi u qaateen baarlamaankana hor keeni doonaan.

“Waxaan xogogaal ka ahay in aan ka war hayey mashruucan dadka lacagta lagaga qaado markii la bilaabayey, hawshana in aanu baarlamaanka hor keeno way suuroobi wayday, baahida loo qabay awgeed, waxaana lacagtaasi qaada shirkada Nasha oo ku daryeesha mishiinada kala duwan ee ay madaaradu ku shaqeeyaan” Ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi oo arrimahaasi ka hadlayey.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Rabitaanka beesha caalamka iyo hay’addaha nala shaqeeya ayaanu u aqbalnay inaanu lacagtan qaadno, oo sida qarankeenu aqoonsi ugu baahan yahay ayey hawadeenuna aqoonsi ugu baahan tahay”.

Dhawr todobaad ka hore ayey ahayd markii wasiirka Maaliyadda Somaliland C/casiis Maxamed Samaale sheegay in aanu ka war haynin lacagtaasi laga qaado dadka dhoofaya, isla markaana aanay ku jirin miisaaniyadii golaha loo soo gudbiyey, waxaanay arintaasi keentay in masuuliyada dusha laga saaro wasiirka duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi.

XIGASHO : SMLD NEWS PAPERS.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: