Ayaa u Hiiliyey Saylac Ayaase Hakraday

IloveSaylacSamaronLand102Anigoo ah Cilmi montekarlo waxaan halkan maanta rabaa inaan dadkeena aan xasuusiyo iyaa saylac u hiiliyey oo cadowga ka riday ayaase hagraday. Runta hadaad sheegto qaar badan ayaa kaa hor iman doonaa laakiin runta sheega baa la yidhi sidaas ayuu ilaahay inigu jeclaaniye.
Doorashooyinkii aafeeyey somaliland waxay ka tegeen raadad noocyo badan oo kala duduwan hadaan markaa u soo laabto ujeedada qoraalkaygan waa mahadnaq iyo canaan, tacsi, taageero, talo.
Waxaan rabaa inaan tacsi u diro qoyskii iyo dhamaan beesha gadabuursi in ilaahay samir iyo iimaan ka siiyo mujaahid jimcaale cabdi maxamed,isagana janaddii macaaneyd ilaahay geeyo aaaammmiiii.
Waxaan u mahadnaqayaa dhalintii kacdoonka xaqa ah ka sameysay awdal,waxaan u mahadnaqayaa salaadiinta reer awdal gaar ahaan mujaahid suldaan saleebaan cali ilaahay ha ku dhowro jir oo joog. Waxaan u mahadnaqayaa madaxweyne ku xigeenka oo diiday inuu iibsado tolkii.waxaan mahadnaqayaa qurbajooga gadabuursi gaar ahaan dumarka iyo ururka samafalka ee samasons.
Waxaan u mahadnaqayaa saxaafadda gadabuursi oo halganka iyo midnimada qayb weyn ka qaadatay anigoo siinaaya kaalinta koowaad HAROWO NEWS, CADCEED , BORAMA NEWS, IYO LUGHAYA.
Waxaan canaan dusha uga tuurayaa xildhibaanada gadabuursi kaga jira labada golle oo aan codkooda xataa shimbiruhu maqal,iyagoo aan mid ka mid ah laga maqal hal eray oo ku saabsan xoreynta Saylac.
Waxaan hiil iyo hooba la garab taaganahay tobanka xildhibaan ee ehlu janada ah ee taariikhdii tolkood labada cadow ee iskaashaday ka xoreeyey.
Talo waxaan ku soo jeedinayaa laba arin oo kala ah in shirweyme gadabuursi lagu qabto dal kasta oo lagaga hadlayo midnimada iyo ugaaskii gadabuursi sidii iyadoo loo dhan yahay saylac loo keeni lahaa si uu ugu duceeyo xildhibaanada saylac.gadabuursi midnimadaa maanta ilaahay inoo keenay waa mid inaga maqnayd 50 sanno,ee ha lagu fara adaygo.
Cilmi montecarlo
London

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: