Ciidamada Amaanka Ee Diridhaba Oo Xabsiga Dhigay Odayaal Ka Hadlay Dhawaan Arinta Saylac Una Hanjabay Dadka Deegaanka Iyo Xukumada Somaliland

ugaasLughaya– Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Diridhaba  ayaa sheegaya in Ciidamaddda Amaanka Diridhaba ay xabsiga dhigeen Toddoba nin oo ka mid Raga ugu caansan Beesha Ciise oo ka mid ahayd kooxdii waraysiga siisay Idaacadda VOA-da ee Bayaanka ka soo saartay doorashada codka lagu kalabaxay ee Saylac.

Kooxda la xidhay waxa la sheegay inay dhan yihiin Toddoba Nin oo ah kuwa ugu caansan Beesha Ciise kuwasoo shan ka mid ah Magacyadooda lagu sheegay inay kala yihiin Axmed Nuur Jaamac Ciye, Cali Cumar sarkaal ka ah shiniile, Cismaan Cokiye oo ganacsade ka tirsan shirkadda Jaadka geysa Jabuuti soo-jig, Maxamed Meygaag iyo Cismaan Kaarabiin.

Dadkan la qab qabtay waxa ka mid ah Ninkii ku hadlayay Af-ka Beesha Ciise ee Diridhaba kaasoo VOA-da uga waramay shir ay ka soo saareen sadex qoddob oo ay ku sheeganayeen lahaanshaha Dhuleed ee Saylac iyo Lughaya isla markaana daadifaynayay Doorashadii ka dhacday Degmooyinka Saylac iyo Lughaya.

Sidoo kale, waraysigaasi waxa uu ku sheegay Ninkaasi hadalkii kusoo dhameeyay Hanjabaad uu Xukuumadda Somaliland u jeedinayay, isagoo shuruud uga dhigayay wax ka qabashada arrimta Saylac oo gacanta dadkii lahaa kusoo noqotay kana dalbaday Maamulka Axmed Siranyo in gacanta qoladii reer Jabuuti ee sheegan jirtay la siiyo si ka baxsan xeerka doorashada oo u garasho ku salaysan hadii kale uu kusoo duuli doono degaanka arintaasina waxay wararku sheegeen in xukuumada Itoobiya iyo beelaha Absame ka dhiidhiyeen oo gacansaar sii xoogaysanaya la bilaabay beelaha Saylac iska leh ee aqlabiyada doorasha kusoo baxay ee Gadabursi.

Lughayanews.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: