Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Oo Guddoomiyaha Baanka Dhexe Soomaaliya U Magacaaba Aqoon Yahan Ka Soo Jeeda Somaliland Gaar Ahaan Gobolka Awdal

hadliyeWashington( Lughaya.com) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda socdaal ku jooga magaalo madaxda dalka maraykanka ee Washington Dc ayaa digreeto uu soo saaray wuxuu ku magacaabay Guddoomiyaha baanka dhexe ee Soomaaliya oo u magacaabay Muwaadin dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland gaar ahaana gobolka Awdal oo la yidhaahdo Professor Cabdisalaan Xaaji Hadliye oo ah Nin aqoonyahan ah oo cilmiga dhaqaalaha ku haysta PHD Harvard University isla markaana bare sare ka ah jaamacadda Washington University sidoo kalana la taliye u ah maayorka magaalada WashingtonDC. 

Prof: Cabdisalan Xaaji Hadliye ayaa waxa uu yahay aqoon yahan ka soo jeeda Somaliland Gaar ahaan  Gobolka awdal, cabdisalan waxa  uu wax ku bartay dalka Maraykanka  kana qaatay Shahaadada PHD-da  oo uu ku diyaariyay Dhaqaalaha, Maamulka & Maaraynta  Dhaqaalaha Dawladdaha, Profesor cabdisalaan ayaa waxa u shaqooyin badan ka soo qabtay Dalka Marayka Gudihiisa isaga oo 1999 Mayor ku xigeen ka  noqday Deputy Mayor Wanshington una qaabilsanaaa dawladda hoose ee washington arimaha horumarinta & dhaqaalaha , 2001 waxa uu noqday la taliyaha arimaha maamulka maaliyada ee World Banka arimaha Aasiya, sanadkii 2002 waxa uu noqday madaxa UNDP-da Somaliya u qaabilsan Maamulka Maaliyada  Dawladda Somalia.

Mudadii uu UNDP-da Somaliya Madaxda ka ahaa waxa uu Prof: Cabisalaan  UN-ta u diyaariyay daraasad aad u qaaliya oo uu ku helay sumcad & magac taasi oo wax tartay dhamaan dadka somalida oo dhan isaga oo wax ka  qoray kana hadlay xawaaladaha Somalida & sida ay u shaqeeyan  UN-tana u sheegay in gacan siiyo loona fudaydiyo adeega bulshada somalida ay u hayaan  Xawaaladuhu sanad walbana ay somaliya u  diraan lacag gaadhaysa 800 Million oo dollar ilaa inta u dhaxaysa 1 Billion,  taasi oo UN-tu ay markii danbe sharci ka soo saartay in wadan walba oo aduunyada ahi uu si sharci u hubiyo lacagaha somaliya u socda una ogolaado in loo diri karo lacagtas somaliya. Hada proffer ku waxa uu sarkaal sare ka ahaa Wold Bank isaga oo xaruntiisuna ahayd Dalka Kenya.

Prof: Cabdisalaan ayaa arinta magacaabistii dad badan oo aqoon yahana oo kale duwan oo Somali ah ay aragtiyo kala duwan ka bixiyeen,  proffesorka ayaa lagu tiriyaa aqoon yahay aad ugu dhaw  dalka maraykanka oo dhalasho ka hayso, isaga oo hadana madaxweyne xasan sheekh maxamuud uu u  kaxaystay safarkii maraykanka   danaynaya in uu proffesor ku  uu wax wayn ka taro  xidhiidhka maraykan & Somaliya  gaar ahaan xaga mucaawinooyinka & horumarka Somaliya  , iyada oo dhinaca Somaliland  aan wax war ahi ka soo bixin .

Tan & intii dawlada cusub ee somaliaya la soo dhisay  waxa ay xooga saartay sidii dad magac & aqoon leh oo reer somaliland ah ugu dhiibi lahaayeen mansabyo siyaasadeed, taasi  oo ay uga dan leeyihiin in ay ku wiiqaan aqoonsiga & gooni isku taagii somaliland ay ku dhawaaqday 1991.

 

Washington: lughayanews.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: