Wasiirka Gashaandhiga Federalka Soomaliya Oo Maanta U Ambabaxay Dalka Turkiga Halkaasna Kula Balansan Dhiigiisa Wadanka Turkiga

martiniMuqdisho(Lughaya.com)  Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Ankara ee dalka Turkiga si uu uga qeybgalo shir muhiim ah oo looga arrinsanayo sidii Beesha Caalamka ay dhanka amniga uga taageeri laheyd D.F. Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi oo uu wehliyo Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka S/Gaas C/qaadir Sh. Cali Diini ayaa maanta ka duulay garoonka diyaaradaha Caalamiga Ah ee Aaden Cadde.  iyagoo ku sii jeeda magaalada Ankara ee Dalka Turkiga halkaas oo ay uga qeybgalayaan Shir socon doona muddo labo maalmood ah islamarkaana looga arrinsanayo sidii ay Dowladaha caalamka Soomaaliya uga taageeri lahaayeen Dhinaca amniga.

Mudane C/xakiim Fiqi Wasiirka difaaca oo Warbaahinta qaranka kula hadlay Garoonka Aaden Cadde ayaa sheegay in shirkaasi ay martigelinayso Dowladda Turkiga lagu casuumay Saraakiil ka socta beesha caalamka waxa uuna xusay wasiirku inay la hortagaayaan shirkaasi qorshe lagu taageerayo tayeeynta iyo dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Waa markii Labaad ee uu wasiirka difaaca  C/xakiim Fiqi safar shaqo ku aado dalka Turkiga tan iyo markii dib loogu magacaabay xafiiska,  iyadoo Wasaaradaha Gaashaandhigga Somalia iyo Turkiga ay dhawaan kala saxiixdeen heshiis ay isaga kaashanayaan dhanka difaaca kaas oo la filayo in Baarlamanka Somalia uu meelmariyo si loo hirgeliyo.

Muqdisho: Lughayanews.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: