Kooxda Al-shabaab Oo Sheegtay Inay Dishay Denis Allex Oo Baryahan Danbe Gacanta Ugu Jiray

Denis-Allex1Muqdisho(Lughaya.com) Kooxda al-shabaab ayaa goordhawayd shaaca ka aqaaday inay dishay Mr: Denis Allex oo muuddo badan gacanta ugu jiray kooxdan alshabaab ee gacan saarka la leh ururweynaha AL-Qaida.

Ninkay ay sheegtay inay dileen ayaa dowlada France ay rumeysan tahay inuu ku dhintay howlgalkii Buulo-Mareer ee ay dowladda France ku doonaysay inay asaga ku soo furato.

Qoraal ay al-Shabaab goor dhowayd ku soo daabacday bogga ay ku leedahay Twitter ayay ku sheegtay inay dil ku fulisay la-hayste Denis Allex oo ay gacanta ku haysay muddo ka badan saddex sano iyo bar.

Kooxda ma bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan halka ay ku dishay la-haystaha iyo sida uu dilka u dhacay mid u soo bandhigin warbaahinta lakiin, War-saxaafadeed ay shalay soo saartay al-Shabaab ayay ku sheegtay inay xukun dil ku fulin doonto Denis Allex oo ahaa sirdoon Faransiis ah.

Al-Shabaab waxay sheegtay inay dowladda France mas’uul ka tahay dilka la-haystaha, waxayna qoraalkeeda Twitter ku tiri: “ France waxay iyadoo aan la khasbin saxiixday amar-bixin toogasho ah.”

Kooxda waxay ku eedeysay dowladda Faransiiska inay ku kacday khayaano kaddib markii ay isku dayday inay xoog ku soo furato la-haystaha xilli labada dhinac ay u socdeen wada-hadallo muddo dheer qaatay oo lagu rabay in lagu sii daayo Mr. Allex.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Faransiiska ayaa Sabtidii sheegay inay al-Shabaab dishay Mr. Allex muddadii uu socday howlgalkii ka dhacay Buulo-Mareer, hase yeeshee al-Shabaab oo beenisay warkaas ayaa sheegtay inuusan la-haystaha xilligaasi ku sugnayn magaalada Buulo-Mareer.

Kooxda al-Shabaab ayaa bogga Twitter ku soo bandhigtay sawirkii askarigii labaad ee Faransiiska uga dhintay howlgalkii fashilmay, walow aaney soo bandhigin sawirka Mr. Denis Allex oo gacanteeda ku jira muddo ka badan saddex sano iyo  bar.

 

Muqdisho: Lughayanews.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: