Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Kulmay Hay’adda USAID iyo Bankiga Adduunka +Warbixin +Sawiirro

World_Bank1 Washington(Lughaya.com)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Mareykanka kula kulmay madaxweynaha bangiga Adduunka Mr: Jim  Yong Kim  iyo madaxda Hay’adda USAID ee dalka maraykanka sidii ay u  taageeri lahaa horumarinta waddanka Soomaaliya.

USAID_Somali_PresidentXarunta hay’adda USAID ayaa waxaa madaxweynaha ku soo dhaweeyey madaxa hay’adda USAID waxayna ka wada hadleen sidii dowladda Soomaaliya looga kaalmeyn lahaa dib u dhiska adeegga bulshada. Madaxweynaha ayaa wuxuu xusay in xukuumadiisa ay xoogga saari doonto soo celinta ammaanka dalka balse ay ka fileeyso gaargaar ay ka hesho wadamada ay saaxibka yihiin.

Sidoo kale gudoomiyaha Bankiga Adduunka Dr. Jim Yong Kim ayaa madaxweynaha iyo wafdigiisa ku qaabilay xarunta Bankiga Adduunka ee magaalada Washington. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay baahida deg-dega ah ee loo qabo dib u dhiska hay’adaha dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo kaalinta uu Bankiga Adduunka ka geysan karo. Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Cabdisalaam Cumar oo dhawaan loo magacaabay jagadaas.

somalia-president barlamka Dhawaan ayey ahayd markii madaxweynaha dalka soomaliya uu la kulmay qaarka tirsan mudanayasha labada Aqal ee dalka maraykanka  madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu mudanayaasha labada aqal ee maraykanka looga talliyo ka siiiyey warbixin barnaamijyada iyo qorshayaasha dawladiisu ku doonayso inay ku soo afjarto collaadaha iyo kala qaybsanaanta Soomaaliya taalla sida lagu sheegay bogga wararka ee jariirada Lews Sun, waxay mudanayaasha labada aqal ee kulankaasi ka qayb gallay ay dhinacooda soo dhaweeyeen horumarka la taaban karo ee dawladiisu ka gaadhay dhinaca xasilinta iyo nabadgelyada Soomaaliya, waxaanay mudanayaashu sheegeen inay kala shaqaynayaan dawladda Xasan Sheekh Maxamuud sidii ay u hanan lahayd Soomaaliya oo dhan siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba.

World_Bank_USAID1Waxaana  maanta la filayaa in uu maanta madaxweynaha la kulmo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalka Mareykanka Hillary Clinton, ayada oo warar kalana ay sheegayaan in ay suuragal tahay in uu Aqal Cad kula kulmo Dhiigisa dalka maraykanka Obama.

Washington:Lughayanews.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: