Wariye Katirsanaa Idaacadda Shabelle Oo Saaka Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

baastooladMuqdisho(Lughaya.com)  Kooxo hubeysan  oo aan la heybtooda la aqoon ayaa saaka  Aroortii hore weeraray wariye Cabdi Xareed Cismaan Aadan oo u shaqeyn jiray idaacadda Shabelle xilli uu ku sugnaa suuqa weyn ee Bakaaraha.

Kooxahani oo la sheegay in ay baastoolado ku heybnaayeen ayaa wariyaha ku dhuftay dhowr xabadood, kuwaasoo ay kasoo gaareen dhaawacyo halis ah, waxaana wariye Cabdi xareed loola cararay isbitalka Madina halkaasoo uu ku geeriyooday.

Idaacadda Shabelle ee uu  ushaqeyn jiray marxuumka la dilay ayaa hawada ka maqan, waxaana wariyahani uu qeyb ka noqonayaa wariyeyaal dhowr ah oo u shaqeyn jiray idaacadda shabelle oo sanadii aynu soo dhaafnay lagu dilay gudaha dalka Soomaaliya.

Kooxaha dilka geeystay ayaa la sheegay in ay goobta isaga baxsadaan, ilaa imikana ma cadda cidda geysatay dilka iyo weliba sababta ka  danbeeysay.

Dilka Allaha u naxariistii wariye Cabdi xareed ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo sanadkan wariye loogu geeysto dalka Soomaaliya, iyadoona ay xusid mudantahay in isla bishan magaalada Muqdisho lagu xiray wariye C/casiis koronto, kaasoo ay xireen ciidamada nabadsugidda dowladda Soomaaliya kadib markii lagu eedeeyay in uu baahiyay war been abuur ah.

 

Lughayanews.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: