Wasiir Duur oo Codsaday in Kursi Sharaf Lagu Siiyo Mayer Ku Xigeenka Saylac

wasiirka-daakhiligaSAYLAC – Wasiirka arimaha gudaha ee maamul goboleedka Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur) ahna wasiirka kaliya ee maanta horfadhiisan kara shacabka aqlabiyada Saylac ee uu horkacaayo Xuseen Iidle dhinaca xildhibaanada iyo Suldan Saleebaan Cali oo horkacaya hogaanka dhaqanka Gadabursi. Shirkan oo la isku mari waayey ayaa socday saacado badan natiijo la’aana ku dhamaaday oo lagu balamay waaberiga in dib la’iskugu soo noqdo.

Arintan Saylac ayaa noqotay albaabkii beelaha Gadabursi ay kaga baxayeen maamulka Hargeysa halka beesha Jabuuti arinta Saylac ay ku noqotay fadeexadii ay soomaalidu ku ogaatay in Jabuuti iyo saylac uu kala qaybiyo Siliga ay dhigeen 1977 oo kuraas been ah ay Xamar kaga qaateen ee ayna jirin wax dan ama degaan ah oo Saylac ka leeeyihiin ayna waligeed jirin.

Kaaf iyo kala dheerida ku dhacday qadiyada Somaliland oo hoosta ka duntay ayna gacantooda ku dumiyeen beesha Hargeysa ayaa shacabka Borame iyo Saylac u arkayaan fursad sax ah oo u baahan in si miisaaman loo isticmaalo.

Jabuuti waxay saylac ugu doodaysaa inay xalaalaysato 8 kursi sharaf oo ay Xamar ka heleen, reer Saylac ama beelaha Gadabursi waxay Saylac dib ugu xoraysteen si ay usoo xidhaan xuduudahooga Somaliland oo ay si buuxda ugu hawl galaan u dagaalanka qadiyada Somaliland – beeshe dhexe iyo maamulka Axmed Siranyo wuxuu difaacayaa danaha bangiga Dahabshiil uu ka leeyahay Jabuuti.

Hadaba fursadan qaaliga ah ee maamulka Siranyo uu lumiyey waxay midaysay beelaha aqlabiyada Saylac ee Gadabursi halka ay qadiyadii Somaliland ay tahay mid qashinka lagu daray khasaarahaana uu bangiga Dahabshiil laga rabo inuu u magdhabo shacabkii ay ka daacada ahayd jiritaanka Somaliland –

Wasiir Duur ayaa la faray fariin ah in looga fadhiyo inuu Gabilayna ka dhigo saami qaybsi sida Saylac ay u noqotay Saamiqaybsi shacabkana ay beenta ka daayaan ee ayna jirin waxay ugu yeedhaan dimuqraadiyad.

Gabilay oo la qariyey codadkii saxda ahaa ee kasoo baxay halka meel xitaa dadka dhaawacma xuduuda laga talaabinayo loogu raadinayo kuraas malo awaal ah. Arintan saylac waa fursadii ugu waynayd ee soo marta beelaha Gadabursi oo ay cad tahay in beesha dhexe tahay umad aan waxba la’la wadaagi karin ee ay aayahooda ka tashadaan beelaha Awdal, Selel iyo Galbeedka Gebilay.

Lughaya News Saylac

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: