Dowlada Kenya Oo Bilaabaysa Raafka Soomalida Ku Dhaqan Magalada Nairobi Si Loogu Celiyo Xerada Dhadhaab

kenyaNairobi(Lughaya.com) Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Kenya Mwi Kibaki ayaa amar lagu siiyey dowlada iyo ciidamada Kenya inay bilaabaan aruurinta ama raafka qaxootiga Soomaalida ah ee ku sugan magaalada Nairobi gaar ahaan Xaafada Islii.

Qoraalkan kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha 16kii bishan Janaayo ayaa lagu sheegay in maanta oo ah 21ka Janaayo hawlgalkan la bilaabi doono, iyadoo ciidamada Kenya aruurin doonaan Soomaalida ku sugan xaafadda Islii ee aan sharciga heysan. Hawlgalkan ayaa loogu magacdaray(Relocation of Uran Refugees to Officially Designated Camps) Dib u rarida Qaxootiga Magaalooyinka ku dhaqan oo loo wareejinayo Xeryaha loogu talo galay.

Dadka ayaa la qorsheeyey in la isugu geeyo marka hore Istaadiyumka Thika Municipal Staduim, kadibna gaadiid lagu qaado oo loo raro xerada Qaxootiga ee Dhadhaab. Qorshahan ayaa waxaa si weyn udhaliilay qaar kamid ah Xildhibaanada Soomaalida ah ee ku jira Baarlamaanka Kenya.

Qoraalka ayaa waxaa ku saxiixan xoghayaha joogtada ah ee wasaarada amniga gudaha Mateyo Iringo waxana ay ku socotaa wasaarada barnaamijyada gaarka ah.

Faarax Maalim oo shalay shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Nairobi ayaa sheegay in arrintan ay tahay fal cunsurinimo ah isla markaana hay’adaha amaanka Qaarkood ay caado ka dhigteen in ay Soomaalida u bartilmaamsadaan si ay dhaqaale uga sameeyeen, wuxuuna sheegay in ay hay’adaha sirdoonka hawshooda kasoo bixi waayeen oo ay eeda uun dusha ka saaraan dadka Soomaalida ah oo uu sheegay in dhibaato weyn lala damacsan yahay.

“..Soomaalidaan Ururineynaa, waa hadal fool xun Dadka maaha in sidii XAYAWAANKII la yiraaho waanu Arurineynaa, dadka waxaa ku jira dad badan oo si sharci ah Qaxootinimo ku jooga dalka, qaarkoodna Ganacsi baaxadleh ayey ku leeyihiin dalka, waxayna horumar badan ka geysteen dhaqaalaha dalka Kenya….” ayuu yiri Farah Maalim oo kamid ah Xildhibaanka Kenya ahna Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka.

Go’aanka kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Kenya Kibaki ayaa kusoo beegmaya xili dhawr todobaad laga joogo markuu dalka Kenya safarkak u yimid Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa asagu sheegay inay doonayaanin dadka loo soo cesho balse, ay diidan yihiin in si jahwareer ah dadka Qaxootiga Soomaalida ah dib loogu soo cesho.

Qorshaha Kenya hada wado ayaa cabsi weyn ku abuurtay shacabka Soomaalida ah ee ku sugan xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo ayaa la filayaa inay cabsi dareemaan  mana cado hawlgalka balaaran intuu socon doono.

 

Nairobi: Lughaya.com.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: