Madaxweynaha Soomaliya Oo Gaaray Dalka Suadi Arabia Si Uu Ugu Qayb galo Shirka Jamacada Carabta Oo Ka Furmaya Magalada Riyad

11 JAAMACADA CARABTA
Riyad(Lughaya.com) Wafdigii uu horkacayey madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xalay ku hoyday magaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudiga ka dib markii ay soo dhameysteen socdaal maalmo qaatay oo ay ku tageen dalka Maraykanka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka dayuuradaha magaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudiga masuuliyiin sare oo ka tirsan dalkaas iyo masuuliyin ka tirsan safaarada Soomaalidu ku leedahay dalka Sacuudiga.

Waxaa lagu wadaa inmadaxweynaha iyo wafdigiisa ay kaga qeyb galaan shir madaxeedka wadamada Jaamacada Carabta oo halkaas ka furmaya, isagoo dhinaca kale la sheegay inuu kulamo gaar gaar ah la yeelan doono madaxda dalalka ka qeyb galaya shirkaas si uu ugala hadlo taageero la siiyo dowladiisa.

Madaxda uu kulamada la qaadan doono ayaa waxaa ka mid ah madaxweynaha Masaarida Maxamed Mursi iyo boqor Cabdallaha Sacuudiga, isagoo kala hadli doonaa xaaladihii ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo sidii gacan loo siin lahaa dowladiisa sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan madaxtooyada Somalia.

Dhanka kale Wasiirka maaliyada Soomaalia Maxamuud Xasan Suleemaam  oo ka mida waftiga madaxweynaha ayaa shaaciyay inuu la kulmay dhigiisa Wadanka sacuudiga ayna isla garten in Boqortooyada ay sii kordhiso taageerada ay siineyso Dowladda Soomaalia.

 

Riyad: Lughayanews.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: