Dr: Gaboose Oo Wata Taageerayashiisa UMADDA Oo Maanta Si Rasmi Ah Ugu Biiray Ururka WADANI

umaddaHergeisa(Lughaya.com) Munaasibad ay ku bahoobayaan ama lagu midayno Xisbiga WADANI iyo Ururkii Doorashada Golayaasha deegaanka ku hadhay ee UMADDA ayaa maanta ka dhacaysa Magaalada Hargeysa, taasoo lagu qabanayo Hudheelka Ambasador.

Sidaasi waxa xalay Wargeyska Waaheen u xaqiijiyay Sarkaal ka tirsan Xisbiga WADANI oo sheegay in la soo gaadhsiiyay Kaadhka Casuumada Xafladaasi, kaasoo intaasi ku daray in sida uu warka ku hayo Madaxdii Ururka UMADDA iyo qayb ka mid ah Taageerayaashoodii xafladaasi lagu soo dhaweyn doono.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa inay Xafladaasi ka wada qayb-gelayaan Hogaamiyayaasha labada dhinac ee Xisbiga WADANI iyo Guddoomiyihii Ururka UMADDA Dr. Maxamed  Cabdi Gaboose, kuwaasoo  maalmahanba la hadal-hayay inay isku biirayaan, laakiinse aanay dad badani aaminsanayn arintaasi.

Hadal-haynta isku biirista Ururka UMADDA iyo Xisbiga WADANI ayaa dadka qaarkii lama filaan ku noqotay markii ay soo baxday, maadaama fikradaha labadan siyaasi laga aaminsanaa wakhtigii Ururnimada ay aad u kala fogaayeen, iyadoo talaabada ay hada qaadeen waxay meesha ka saari doontaa su’aashii layska waydiinayay halka Siyaasiga Maxamed Cabdi Gaboose mar kale kaga soo biiri doono Saaxadda siyaasada ee Ururkiisii laga reebay.

Ururka UMADDA ayaa ka mid ahaa Ururadii ay Xukuumaddu aadka uga baqaysay inay u soo baxaan Kaalinta Xisbnimo, waxaanu ahaa ururka kaliya ee mucaarid toosa xukuumadda kala hor-yimi isagoon ka gudbin Biriijkii adkaa ee Doorashada Deegaanada iyo Asxaabta Qaranka.

Dhanka kale, Xisbiga WADANI ayaa tan iyo   markii la aasaasay lagu Xaman jiray inuu Xukuumadda Xidhiidh siyaasadeed oo dhaw la leeyahay, taasoo dadka arimaha siyaasada ku foogan qaarkood kaga dacaayadeeyaan Fagaarayaasha.

Sidaasoo ay arimuhu yihiin, hadana Xaflada maanta dhacaysaa oo loo wada dheg-taagi doono weedhaha ay ka jeedin doonaan labada hogaamiye ee afkaartoodu aadka u kala fogtahy, waxay dhinaca kale Kaaf iyo kala dheeri ku noqonaysaa aragtiyihii laga aaminsanaa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi-laahi (Cirro) iyo Xisbigiisa WADANI iyo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo Ururkiisii UMADDA.

Waxa dad badani isweydiinayaan ma Gaboose iyo Saaxiibadiisii Mucaaridka fog ahaabaa Tanaasulay iyo Mise Cabdiraxmaan Cirro iyo Xisbiga WADANI ayaan sidii la moodayay ahayn oo Mucaaridad qayaxan u badheedhaya sanadaha soo socda, wallow aan la dafiri Karin inay Xisbiga WADANI isagoo urur ah ku biireen qaar ka mid ah Kaadiriintii Xisbiga UDUB oo halkii uu xisbiyada kaga jiray Xisbigani buuxiyay

Isweydamaha noocan ah waxa ka sii culus oo iyana meesha ku jirta hadii aanay arintu isu-tanaasul ahayn oo labada dhinac mid waliba halkii lagu tirinayay ama fikradii laga aaminsanaa ku taagnaado, balse talaabadan hada la qaaday ku koobantahay kala hororsi iyo gabood raadis, sida ay ugu heshiin doonaan garoonka WADANI ee xukuumaddu siidhi wadaha ka tahay ama gacanta kula jirto.

Si kastaba ha ahaatee wax kasta oo maanka lagu hayay iyo muuqaal kasta oo ay lahaayeen labada siyaasi ee isku Gobolka ka soo jeedaa, maanta ayay ku kala cadaan doonaan Munaasibada ay ku bahoobayaan, taasoo xataa laga dheehan doono Saami-qaybsiga Gaboose laga siiyo Xisbiga gudihiisa oo fursad weyn u ah isaga laftiisa, isla markaana qayb libaax u muuqan karta maadaama uu noqonayo Ururkii ugu horeeyay ee Xisbi ku biira afartii Urur ee hadhay.

Waxaana xusid mudan oo aan marnaba meesha ka maqnayn in Boqolkiiba sideetan Taageerayaashii Ururka UMADDA ee Goboladd bariga ay awalba khasab ku ahayd inay taageeraan Xisbiga WADANI oo ahaa Ururka labaad ee ay ku xisaabtamayeen hadii UMADDU dhaco.

 

Hergeisa:Lughayanews.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: