Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Ee Puntland Oo ku geeriyooday Saaka Magalada Nairobi

Xasan_Daahir_Af-quracNairobi(Lughaya.com)  Allaha Ha U Naxariiste waxaa saaka geeriyooday Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Md: Daahir Maxamuud Af-qurac  oo muddooyinkan danbe xanuun la ildarnaa isagoo lagu dabeebaabyey marxuumka dalka kenya magalada nairobi.

Allaha Ha U Naxariiste Maruumku wuxuu mudo 6-bilood ah Ku Xanuunsan Dalka Kenya, waxaana wararku ay tilmaamayaan in saaka uu ku geeriyooday Isbitaal ku yaala Magaalada Nairibi ee Wadanka Kenya.

Maruum Xasan Daahir Afquruc waxaa la qorshaynayay in caafimaad ahaan loogu qaado wadanka Jarmalka Todobaadyadan wuxuuna mudooyinkii ugu dabeeyay ku jiray xaalad eheladiisu ay tilmaamayeen in uu ka soo roonaanayo.

Mudane Xasan Daahir Maxamuud “Afqurac” ayaa Madaxweyne Ku xigeen kasoo noqday Dawladii Madaxweyne Maxamuud Muuse Xirsi ” Gen. Cadde” mudooyinkii ugu dambeeyay caafimaadkiisa lagula taaalayay dalka dibadiisa, waxaana  meelaha la geeyay ka mid ah Wadamada Kenya iyo Indiya sida ay eheladiisu warbaahinta u sheegeena Dhaqaatiirtii loogu geeyay wadanka India waxay sheegeen in loo baahanyahay qaliin dhabarka ah in lagu sameeyo, taas oo la qorshaynayay Todobaadkan in wadanka Jarmalka loogu qaado.

Geerida Xasan Daahir  markii laga maqlay Puntland waxaa ka tacsiyeeyey madaxda ugu sareysa Puntland sida madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole, ku-xigeenkiisa Gen. Cabdisamed Cali Shire iyo gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdirashiid Maxamed Xirsi.

Waxaa  la filayaa  in Maydka Marxuumka loo  qaado gudaha puntland si Aas qaran loogu sameeyo uguna soo qayb galaan madaxda dowlada puntland.

 

Nairobi: Lughayanews.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: