Xubnihii Guddiga Ilaalinta Hantida Qaranka Ee Wakiilada Oo Xilkii Iska Casilay Markii Gudoomiyaha Golahoodu Kaga Baxay Hawlgal Ay Kaga Hortagayeen Musuqmaasuqa Duulista Hawada

wakiiladaHergeisa(Lughaya.com) Xubnihii guddiga ilaalinta hantida qaranka ee golaha wakiilada Somaliland ayaa xilkii guddidaasi iska casilay ka dib markii gudoomiyaha golahooda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Ciro uu kaga baxay qorshe ay kaga hortagayeen musuqmaasuqa ku habsaday wasaarada duulista hawada iyo lacagaha qayrul sharciga ah ee laga qaado dadka ka dhoofaya madaarada dalka.

Xubnaha guddiga ilaalinta hantida qaranka golaha wakiilada ayaa sheegay markii gudoomiyahoodu Cabdiraxman Ciro oo heshiis ay ku wada galeen in xubno cusub oo buuxiya kaalintii ay baneeyeen xubno ka tirsan guddigooda iyo gudoomiye ku meelgaadha oo buuxiya jagada uu ka xanuunsaday gudoomiyahoodii Aadan Tarabi Oogle (xasuusin maaanta ayuu geeriyooday xildhibanka Tarabi) gudoomiye ku meelgaadh ahna u doorteen Maxamed Cali Xirsi markii uu kaga baxay gudoomiye Ciro, isla markaana uu xaal ka siiyay ay go’aansadeen in xilkaasi ay u hayeen golahooda ay iska casileen.

Xubnaha guddida ilaalinta hantida qaranka ee xilka iska casilay ayaa sidaasi ku sheegay qoraal ay ku socodsiiyeen gudoomiyaha golahooda, oo nuqul ka mid ah uu wargeyska Haatuf helay, kaas oo ay ku saxeexan yihiin xubnahaasi magacyadoodu waxaanu u qornaa qoraalkoodaasi oo dhamaystirani sidan:

“Gudoomiye, sida aad ogtahay xilkii guddida ilaalinta hantida qaranka waxaanu ku haynay shan xubnood oo kala ah:-

1.   Xildhibaan Aadan Tarabi Oogle

2.  Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi

3. Axmed Barkhad Obsiiye

4. Xildhibaan Axmed Xasan Aadan

5. Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf.

Waxaad kaloo aad ogtahay in afartii xubnood ee kale aanay nagala soo hawlgalin hawlaha guddida muddo ka badan afar sanadood, qaarkoodna aanay waligoodba iska daayoo guddida aanay golahaba aanay iman.

Waxa kaloo mudan in aanu halkan kuugu sheegno in aanu dardargelinay hawlihii hawlihii guddida, muddo yar oo      koobana aanu ku aragnay sagaal wasaaradood, ayna noo qorshaysan tahay in aanu aragno qaar kale oo farabadan, golahana aanu hor keeno warbixin wakhtiga dhaw haddii Eebe idmo. Waxa kale oo aanu gudoomiye jecelnahay inaanu ku xasuusino kulankeenii aynu ku yeelanay xafiiskaaga 7/1/2013, kaasoo aad noogu ogolaatay in saddex xubnood nagu soo biiriso iyo in aanu samaysanay gudoomiye ku meel gaadha inta uu xanuunsanayo gudoomiye Aadan Tarabi, taasoo aad iyadana nala qaadatay, qoraal ahaana aanu kuugu soo gudbinay isla maalintiiba 7/1/13 sida ku cad lifaaqyadan.

Anagoo tixraacayna kulankeenii maanta 21/1/2013, taas oo aad noo cadaysay in aanay kuu suurtoobin in aad ku socoto heshiiskii aad hore noola gashay xaala aad naga siisay.

Sidaa darteed anagoo ah afartan xildhibaan xildhibaan ee magacyadoodu hoos ku xusan yihiin waxay nala noqotay in aanaan hawshan sidaas  ku wada karayn, waxaanu go’aansanay in aanu iska casilo xubinimadii guddida ilaalinta iyo daryeelka hantida qaranka (Public Account Committee)

1. Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi

2. Axmed Barkhad Obsiiye

3. Xildhibaan Axmed Xasan Aadan.

4. Xuseen ismaaciil Yuusuf

Guddigan ilaalinta hantida qaranka oo ahaan jirtay guddi fadhiid ah oo aan ka hawlgali jirin hantida qaranka ee la musqmaasuqayo, isla markaana aan baadhis ku samayn jirin hay’adaha xukuumada eek u tagri fala hantida ummada ayaa bishii ugu dambaysay dardar galiyey hawlahoodii iyo waajibaadkii ay qaranka u hayeen, ka dib markii gudoomiye ku meel  gaadh ah ay u doorteen Md Maxamed Cali Xirsi, taas darteedna ay kawaanka soo saareen durba wasiirka duulista hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, balse la sheegay in shirgudoonka golaha wakiiladu ay madaxtooyadu culays ku soo saartay in xubnaha cusub ee guddigaasi lagu soo kordhiyay iyo guddoomiyaha cusub-ba ay ka hor istaagaan waajibaadkooda, hase yeeshee ay xubnaha guddigani gaashaanka ku dhufteen cadaadiska kaga yimid shirgudoonkooda.

 

Lughayanews.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: