Hadhowbay Dhurantaa Ooy Madhex Joogin Tidhaaye Wataa Dhuub Olalaysa Wataa Dheega Suntan Ee Waa Dharaare Dhacso(Diirada lughaya)

Cali aareye waxan leeyahay gudida doorashooyinka, Badhasaabka maayerka dhamaan Ciise ayey ahaayeen

 

Sida laga warqabo xildhibaan Areye waxa uu  kaligii go aansaday in uu ka qayb galo tartankii doorashadii baarlamaanka Somaliland ee 2005tii. wakhtigaasi oo uu kaligii xildhibaan u noqday Beesha Ciisaha  kadib  marrkii ay qaadaceen dhamaan xubnihii kale ee Beeshaasi uga qabyb qaadanlahaa tartankaasi taasi oo isaga ay u arkayeen in uu yahay nin beeshiisii khiyaamay maadaama uu isagu doorashadaasi kaqayb galay waxana xukuumadii madaxwayne Daahir Rayaale kaahin  ay ugashay olole  culus sidii uu u soo bixilahaa iyada oo codadkii  uu ku soo baxay looga dhawrteeyey meelo badan oo ay ka mid ahayd , Magaalada Boorama.

Waxa hadaba wakhtigaasi gobolka Awdal  Baarlamaanka uga   mid noqday 13 xildhibaan kuwaasi oo 12 kamid ahi ay ahaayeen beesha Gdabuursi ee aqlabiyada ah  iyo Cali aare oo ka soo jeeda Beesha ciise ee hadeer na doorashada lagaga adkaaday

Waxa hadaba layaable sida uu xaqiiqada u ogyahay Cali Areye iyo sida uu Indhaha uga qarinayo runta taasina waxaku kalifaya waa wax la garankaro waana mid uu kurabo uu in uu ku shaqaysto oo uu mushaarkaga helo dadka beeshiisa si ay ugu arkaan in uu Saylac Xoraynayo.

Dhinaca kale  waxayaabaha hada ka dhacaya Saylac waxa ay salka ku hayaan arimo dhowr ah ku waasi oo ay ka mid tahay siyaasiyiinta beesha ciise oo ku guuldaraystay in ay arkiwaayaaan himilooyin siyaasadeed oo ay hiigsadaan maadaama ayna jirin dad ay isku haleeyaan oo cod ku soosaara marka ay noqoto in la bilaabo tartanka golaha Baarlamanka Somaliland.

Intaasi waxa raaca waxa jira cadaadis siyaasadeed oo haysta wakhtigan xaadirka ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ugu jira Beesha Ciise oo ah 8 kuwaasi oo sifo sharci daro ah lagu soo xulay markii ladhisayey dawladii ku meelgaadhka ahayd ee uu madaxwaynaha ka ahaa Cabdiqaasin Salaad Xasan waxa ayna hada xaqiiqsadeen in hadii ay doorashooyin laga qabto 18kii gobol ee Soomaliya ay ka koobnayd wakhtigii bururka dalka ayna haba yaraatee wax xildhibaano ah ka heli karin Gobolka Awdal sidaasi darteed na ay hada cidiyaha ku dagaalamayaan sidii kooto loogu xidhi lahaa saylac waana mida Xukuumada Djabouti ay cadaadiska Ku saarayso Madaxweyne Silaanyo.

Isku soo wada Duub oo Saylac iyo Boorama waa isku hal waxana degan uun dadka hada Aqlabiyada ah ee Gadabursi lamana dhamaynkaro qolo waxaanan ku soo gabagabaynayaa qoraalkan tixdan gaaban (hadhowbay dhurantaa ooy madhexjoogintidhaaye waa dharaare dhacso).

 

Diirada: Lughayanews.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: