Madaxweynaha Soomaaliya iyo Waftigiisa Oo Baryahan Danbe Dibad Wareeg Ahaa Ayaa Maanta Magalada Muqdisho Dib Ugu Soo Laabtay

SomaliaisaNation1Muqdisho(Lughaya.com) Madaxweynaha dowlada federaalka Somalia Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa saaka aroornimadii ku soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib markii ay safaro kala duwan oo shaqo ku soo kala bixiyeen dalalka Maraykanka iyo Sacuudiga.

Wafdiga madaxweynaha oo ay ka mid ahaayeen raisul wasaare ku-xigeen ahna wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah Fowsiyo Yuusuf iyo xubno kale ayaa waxaa garoonka Aadan cadde ku soo dhoweeyey raisul wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Saacid, gudoomiyaha Baarlamanka Maxamed Cismaan Jawaari, wasiiro iyo saraaakiil ka tirsan dowlada.

Madaxweynaha ayaa u gudbay aqalka madaxtooyada ee magaalada Muqdisho isagoo aan weli saxaafada la hadlin kadib markii salaan sharaf ka qaatay ciidmada baanbaydda oo madaarka muqdisho ku sugnaa.

Madaxweyne Xasan Shiikh iyo wafdigiisa ayaa socdaalkoodii ugu horeeyey ku tegay dalka Maraykanka iyagoo la kulmay madaxweynaha dalkaas Brack Obama iyo xoghayaha arrimaha dibeda Hillary Clinton, waxaana kulamadaas ka dib ay dowlada maraykanku shaacisay iney si buuxda u aqoonsatay dowlada Somalia, iyadoo dhinaca kale madaxweynaha uu kulamo la soo qaatay jaaliyada Soomaalida ee dalkaas ku dhaqan qaarkood.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa dhinaca kale dalka Boqortooyada Sacuudiga kaga soo qeybgalay shir madaxeedka wadamada Jaamacada Carabta kaasoo uu ka jeediyey khudbad uu kaga waramaya xaalada Somalia, waxaana shirkaas oo la soo gebagebeeyay shalay laga soo saaray warmurtiyeed lagu sheegay in Soomaaliya la maalgashado lagana taageero dhinaca dib u dhiska iyo nabada.

Muqdisho:Lughayanews.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: