QALINKAAGU WUXUU TABAYAA CADAALAD DARRO HADDII AAD SIDAN AQOON YAHAN KU TAHAYNA HA NASOOMARIN MARKAAD CAAQIL NOQOTO

NIMCOOYINKA ILAAHAY KU SIIYAY WAXAA LAGU FARAY IN AAD CADAALAD KU FULISO

Asalaamu calaykum warax matulaahi wabarakaatuhu dhamaan akhyaarta, asxaabta iyo aqoonyahanada ku midoobay (SYG) waxaan marlabaad idin leehay waad salaaman tihiin bacda salaam walaalo waxaan arkay wax iga yaabiyay kolay ninba marbuu yaabaaye wax kale maaha ee waa maqaal uu soo qoray nin la yidhaa “CAlI COOMAY” Waxaanan maqli jiray magac ciyaar kuma baxo waxaanan rabaa in aan shaqsin cidna durin laakiin aan baraarujiyo ninkan aan magaciisa ku soo xusay kor ee sheeganaya in uu taariikh yahan waxaan marlabaad ku odhan lahaa in aad barato macnaha iyo ereyga taariikh, deegaan iyo deegaameyn intaasi canaan ha iga ahaato waxaan se sheeko kooban oo ku saabsan cali coomay odhan hanoqon indhoole indhoole hagaya oo aan kala ogayn bohol iyo bari hana is odhan taaraakhda u riix dhanaca aad rabto iyo danta aad leedahay ee sababee hadii ay caadifad iyo cadho ku haysana ixtiraam qallinka oo runta bar waxaan fahmi karnaa noocaagaas oo kale in uu yahay dadka project ku raba in ay dhul ayna hayb iyo hanba u lahayn in ay ergeeyaan laakiin ILAAHAY BAA QURAANKIISA KU SHEEGAY (WALANTAJIDHA BISUNATILAAHI TABDIILAA)

ku darsoo sheeko sheeko baa ahayd nin xariif tuulo ah baa dadka ay u haysteen in uu wax yaqaaan waxaa dhacday in uu ka shaqayn jiray wax yaabaha uu dhegta ka maqlay ka dibna dadka uga marsiin jiray muran iyo borobogande ka dib ninkii markii uu hubsaday in dadkii u raboobeen buu xafiis u furtay uu cinwaan uga dhigay waxaan ahay sidan iyo sadan ka maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa soo booqday xafiiskiisii nin oday ah oo wax garad ah markii uu arkay in odayga uu u soo socdo dhan xafiiskiisa ayuu damcay in uu is mashquuliyo oo iskaga dhigo nin shaqo halis ah faraha ku la jira ka dib land line telephone macmal ah oo meesha uu dhigtay buu isku mashquliyay oo uu ku daldalmay ma ka dib ninkii odayga ahaa oo yaaban  kana yaaban ninkan telephoneka ku hadlaya iyo tuuladii uu ku dhashay oo awaligbiiba telephone lahayn ka yabay baa  sugay intuu hadalka ka dhamaystiranayo kadibna ninkii xariifka ahaa markii uu is yidhi odayga waa uu kaa yaabay ee la hadal buu yidhi adeer fadhiiso maxaa ku helay maxaan se kuu qabtaa markaa buu odaygii ugu jawaabay adeer waxba kaama rabo laakiin adiga ayaan rabaa in aan wax kuu qabto waxaa la ii sheegay in telephoonkan aad ku adlaysaa ciladaysan yahay waxaan rabaa in aan kuu sameeyo  xariiftooyho dhidhid buur buurian baa ka yimi ka dib odaygii baa ku yidhi wax aad hubto ka hadal wax aad hubtana ku hadal hana isku dayin in aad dadka ka cilmi badan tahay ama aan ka caqli badan tahay waxaan uga socdaa cali coomay WAXAAD HUBTO DADKA U SHEEG WAXAADAN HUBINA HA KA HADLIN  TAARIIKHDA SAYLACNA KAAGAMA BAAHBA IN AAD ISKU DAALISO

Ku darsoo bari baa in uu nin cir wayn reer martiyay markii uu reerkii martay cunto cunistiisii layaabeen bay waydiiyeen waxaa uu u socdo iyo dhan uu u socdo waxaa uu ninkii u jawaabay waxaan u socdaa dhakhtar caafimaad oo waxaa ay cilad iga haysataa caloosha cuntaduna way iga xidhan tahay  waxaan rabaa in aan isa soo daweeyo, reerkii loo martiyay oo yaaban ayaa mar qudha inta ay is wada eegeen ku yidhaahdeen goormaa laga yabaa in aad soo laabato waxaa uu sheegay cadad ama taariikh waxay ugu jawaabeen xiligaa ha ku soo beegmin halkan waayo waxaan nahay roobraac oo waxaan rabnaa in aan meeshan ka guurno”. Hadaba shekadan waxaan ka dheegan karnaa ninka isaga oo bar barad ah been ABUURKA SAMAYSTAY MARKA UU PHD QAAATANA MUXUU KU HADLI

by: MMNOUR

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: