Waftigii Wasiirada Ahaa Ee Joogay Saylac Oo Saaka U Talaabay Dhinaca Djibouti Iyo Dareenada Ku Xeeran

downloadSaylac(Lughaya.com) Wararka naga soo gaadhaya hada magalada saylac ayaa tibaaxaya in waftiigii ku sugnaa ayaamahan magaalada saylac  ayaa maanta loo ogladay inay u gudbaan magalada  djibouti taas oo shalay laga soo ceshay xadka labada dal u dheexeeya ee lawyacado halkaas oo markii danbe ay dhagax dhigeen saldhiga la yidhi waa loo sameenayaa.

Waftigan oo ka koobnaa wasiirka Gaashandhiga Md: Cadami wasiirka Arimaha gudaha Md: Duur Iyo wasiirka Warfaafinta Timacad Badhasaabka Gobolka Salel Nuur Cismaan Guleed iyo warar kale oo shegaya in Gudoomiyaha xisbiga kulmiya Musse Bixii uu ka mid ahaa waftiga ayaa u boqoolay saaka dhinaca magalada Djibuti.

Warar is khilaafsan oo soo gadhay shabakada lughayanews ayaa sheegaya in ay ka badnayeen waftigu intan oo ay ku jireen Taliyaha Qaybta Gobolka Salel Cabdi Khayre(Arawelo) Taliyaha Ciidamada Badda Cabdi Wali Warfaa, Gen: Malitariga Ee Xeebaha Galbeed Ee SL  Gen: Yuusuf Iman Diiriye( Yuusuf Gaab) iyo Taliyaha Saldhiga Booliska Ee Degmada Saylac, lakiin kamay gudbin xadka taliyashashu  maadama ay ka soo jeedan reer kaliya oo ah reerka Aqlabiyada leh loona shegay inay iyagu ku hadhaan xadka u dhexeeya labada dal.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inayna  jirin meesha sulux ka soo socda maadama ay SASKA qaadeen sida loola dhaqmay taliyayaasha ciidamada taasina ay iftiimisay shirqoolka loo maleegayo degmada saylac iyo xildhinada aqlabiyada lehba.

Gudaha magaalooyinka waweyn ee sida Boorama,Saylac,Lughaya,Dila Iyo Boon ayaa laga dereemayaa cadho xoogan oo dhalinayarada ku sugan magalooyinka ay ka qabaan sida loo maamulayo arinta saylac taas oo sababi karta in mudaharaad ka dhaco  maaalinta Bari Ah dhamaan degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolka Awdal taas oo lagaga soo horjeedo faragalinta qaawan ee lagu hayo xildhibanada degmada saylac ee howshoodi wali guda galin.

WAXII KA SOO KORDHA KALA SOCO LUGHAYANEWS.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: