Al-shabab Oo Sheegtay Inay Qoorta Ka Jarayso Lahaystayaal Kenya Ah Oo Gacanta Ugu Jira

kenya shabab (2)Muqdisho(Lughaya.com) Xarakada Al-Shabaab ayaa baraha internetka ku shaacisay muuqaalo iyo sawiro laga soo qaaday dad u dhashay dalka Kenya oo kal hore ay ka soo afduubteen degaano ku yaala gobolka woqooyi bari dalkaas.

Qoraal ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxay sii deynta dadkaas Kenyaanka ah oo gaaraya lix ruux ku xirtay illaa dhowr shuruudood oo ay doonayaan iney iney fuliso dowlada Kenya. Kuwasoo ay ka mid yihiin.

1- In dowlada Kenya ay sii dayso dhamaan Maxaabiista ay u xir-xireen tuhun lala xiriirinayo Al-Shabaab.

2- In Dowlada Kenya ay xaqiijiso sii deynta dad lagu tuhunsan yahay Al-Shabaab oo ay u gacan gelisay Ugandha.

3- In Sii deynta dadkaas Maxaabiista ah aysan wax shuruud ah ku xirnaanin isla markaana ay ay noqdaan mid shaacsan oo aan qarsanoonayn.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in dowlada Kenya ay haysato saddex todobaad oo ka bilaabanaysa Saqda dhexe Taariikhdu marka ay tahay 24-01-2013 si ay uga soo jawabaan Shuruudahaas, haddii baa la yiri ay doonayaan in nolosha maxaabiisteeda, waxayna ku hanjabtay Al-shabaab in hadii mudada loo qabtay ay Kenya jawaab ka waayaan ay leyn doonaan dhamaan maxabiistaas ay hayaan.

“Magacayu waa (Mulle Yesse), waxaan u hadlayaa dhamaan Maxaabiista Kenyaatiga ah ee ku jirta Gacanta Al-Shabaab. Waxaan Codsi iyo Fariin adag u diraynaa Dowladeena inay ka hawlgasho sidii aan Xoriyadeena dib ugu heli lahayn.

Qaar naga mid ah waxay cimrigooda intii ugu badnayd ku bixiyeen ka shaqaynta Danaha Guud, anagoo aanan u adeegeynin oo kaliya Dowlada Kenya, balse sidoo kale u adeegeynay Guud ahaan Shacabka Kenya. Wax badan ayaan u dadaalnay wadankeena, haddana waxaan u baahanahay inaad kaalintiina qaadataan oo aad naga caawisaan inaan anagoo nabad qabna dib ugu soo laabano guryeheena iyo qoysaskeena” sidaas waxaa yiri mid ka mid ah maxaabiistaas oo ka soo muuqday filim ay ka qaaday muasasada kataaib ee Al-shabaab u qaabilsan warfaafinta.

Dhinaca dowlada kenya ayaan wax hadal ah ka soo saarin haba yaratee siday ula tacalayso dalabkan ka yimid kooxaha mayalka adeg ee ka sii socoda  arinminta dalka soomaliya.

 

Muqdisho: Lughayanews.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: