Baro Mid Ka Mid Ah Wariyeyasha idacada Djabouti Ee Isir Nacaybku Ku Fogaaday

Cabdillaahi_CismaanDjibouti (lughaya.com) – Ninka la yidhaahdo Cabdillaahi Cismaan oo ka tirsan golaha Radio ga iyo Televisionka qaranka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa caddaystay dagaal dhinaca qoraalka ah oo uu si qaawan ugu weeraro dadwaynaha reer Adal (Gadabuursiga).
Cabdillaahi Cimsaan oo ku caanbaxay barnaamijika (War iyo waayo-arag)) ee muddada dheer ka bixi jiray Idaacadda Jabuuti ayaa u tafa xaytey oo si xishood l`aaan ah u tirtira taariikhda faca wayn ee reer Adal, waxa kale oo uu taariikho gacan ku rimis ah u sameeyaa beesha Ciise Madoobe ee uu isagu ka dhashay.
Cabdillaahi Cismaan waxa uu wax ku qoraa kana midyahay maamulkeeda, shabakad yar oo ay beeshiisu leedahay oo aad u cayda beelaha SAMAROON.
Muwaadin reer Jabuuti ah oo aqoon xeel dheer u leh ninkan balse codsaday inaan magaciisa la sheegin ayaa Lughaya. u xaqiijiyay in uu Cabdillaahi isku dayo inuu iib-geeyo aragtida beesha ciise ee ku salaysan ( in la isku dhedhejiyo dad iyagaba ka khashaafa oo u yaqaanna Ciise-waraabe , dugaag, (S) ta dhedig iyo waxyaabo kale oo muujinayaa xaqiraadda ay beesha Ciise kala kulanto markasta beesha Isaaq).
Waxa kale oo uu muwaadinkaasi intaa ku daray: (Cabdillaahi Xaaji waa nin cunsuri ah oo Gadabuursiga neceb. Isaga iyo wariyihii Xasan Guuleed ee gaarka ahaa , Abokor Muuse Casoowe ayaa gubay suugaantii aabihii Fanka Jabuuti abwaan Xasan Cilmi Diiriye alle ha u naxariistee iyagaana badankeedii ka tirtiray keydka idaacadda iyo TV ga Jabuuti. Sidoo kale isagaa gubay suugaantii Abwaanka wayn Axmad Siciid Diiriye Afgudhiye . wuxuu u gubay SAMAROON nacayb. Marka uu kalidii yahay waxa uu ku hadaaqaa tuduca cunsuriga ah ee halku dhiggiisu yahay : “Gaal gaal dhalaan ahay haddaan daayo Gadabuursi“).
Cabdallaahi waxa uu baryahan wadaa taxane uu u bixiyay (qabiilka Ciise iyo halgankii ururkii SNM) wuxuuna isku dayayaa inuu naxariis kaga raadsado raggii 91kii meydadkii Ciisaha dabada ka laagay ee ku yidhi ( kacoo ishta qari) kadib markii ay waxba iska celin waayeen sida Isaaqu hadalka u dhigeen.
Qoraaalkiisa waxa uu si dadban qoraagu ugu codsanayaa in Ciisaha Somali Land jooga loola dhaqmo sida loo tixgeliyo Hereriyiinta laga tirada badan yahay ee ay saami sugan oo aan isbaddelin markasta uga helaan magaalada Herer tan iyo 1991kii.
Isku soo wada duuboo, waxa la iswaydiinayaa sobobta keentay inay xukuumadda Jabuuti u ogolaato shaqaaleheeda inay dalal daris ah ku qaadaan duullaan cunsuriyad iyo qabyaalad ku dhisan.
Sida la ogyahay Cabdillaahi Cismaan waa oday kolka da` jooga muddana ka soo shaqeeyay idaacadda Jabuuti oo uu ka gaadhay illaa heerka masuulka keydka RTD. Balse laguma oga haba yaraatee aqoon saxaafadeed iyo mid kale toona marka laga yimaad suugaanta oo uu aad isugu hawlo si uu afsomaliga uga barto.
Cabdillaahi Cismaan waxa uu caan ku yahay magaca (Cabdillaahi Xaaji) oo uu labaxay markii uu shaqada Idaacadda galay si uu magiciisu u faafo oo uu ugu ekaado magaca wariyaha Soomaaliyeed ee BBC da muddada dheer ka shaqeeya Cabdillaahi Xaaji.

Wariye: C/samad Aw jaamac.

Djibouti: Lughayanews.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: