Canaan kayaab Ceesaan Madoojo (SIRANYO IS MISS TAKENLY ELECTED PRESIDENT) Diirada lughaya

isXukuumadihii kala dambeeyay ee Soomara Somaliland tan iyo intii la aas aasay sida xukuumadii Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Iyo Daahir Rayaale kaahin waxa soo wajahay marxalado farabadan oo ka adag kuwan maanta haysta xukuumada Silaanyo waxayn kaga soo gud been go aan qaadasho iyo calool adayg
 .Tusaale ahaan xukuumadii maxamed Xaaji ibraahin cigaal waxa soo maray marxalad aad u adag taasi oo jiritaankii Somaliland khalkhal galisay sida dagaaladii ka dhacay caasimada ee u dhaxeeyey kooxihii beelaha Garxajis iyo xukuumada ku waasi oo diiday in ay wareejiyaan eeriporka magaalada Hargaisa si loo qarameeyo kadibna waxa uu qaatay go aan ah in lala dagaalamo si loo xoreeyo hantida qaran loona soo celiyo hanaaka sharciga iyo kal danbaysta dalka taasi dhalisay dagaalo xoogan oo dhiig fara badani ku daato markii danbe ana lagu guulaystay in sharciga la hirgaliyo, halka maanta madaxweyene Silanyo go aan ka gaadhikari waayey arinta Saylac
Waktigaasi Madaxwayne cigaal waxa uu ogaa hadii uu habrado in aanay Somaliland maanta jirteen.
Dhinaca kale madaxwayne Daahir Rayaale kaahin wakhtigii sii waxa soo maray xili gobolka laascaanood ay ka maqnayd dalka isla markaana siyaasiyiinta iyo oday dhaqameedyada reer laascaanood waxa ay ahaa yeen kuwo labada dhinacba Waa Somaliland Iyo puntland ba ka qaata mushaharooyin iyo lacago kale oo la odhan Jiray Dheemaal oo la siin jiray iyada oo aanan calan Somaliland ahi iyo ciidan toona ka jirin dhulkaasi sidaa darteedna madaxwaene rayaale isaga oo ixtiraamaya Dastuurka Somaliland ayuu go aansaday in uu gobolkaasi gaadhsiiyo maamulkiisa waxaanu qaaday talaabo geesinimo ah taasi oo ah in uu Booqdo magaalada lascanood oo anu madaxweyne hore tegin isaga hortii halkaasi oo dagaal culus uu ka dhacay kadibna maamulkii somaliland ayaa sidaasi uu uga hirgaliyey Sool ,halka maanta madaxweyene Silanyo go aan ka gaadhikari waayey arinta Saylac

Waxakale oo madaxweyne Daahir Rayaale kaahin wakhtigiissii uu hirgaliyey hanaanka doorashooynka asxaabta badan iyada oo wakhtigaasi ay beesha ciisuhu qaadaceen in ay Doorasho baarlamaan ay galaan qof marka laga reebo Cali Areye oo kaliya .
hadab wakhtigaasi madaxweyne Rayale waxa uu go aan ku gaadhay in ay doorashadu si sax ah u dhcaday cidii isku dayday in ay carqaladaysona la ciqaabidoono markaana xabsiyada ayuu u taxaabay dhawr nin oo ay ka mid ahaayeen AAdan geesh iyo ragkale ,halka maanta madaxweyene Silanyo go aan ka gaadhikari waayey arinta Saylac

Sikastaba ha ahaatee su aalaha la la iswaydiinayaa waxay tahay waamaxay diciifnimada ,habrashada , iyo goaan jileeca Silaanyo ee arinta saylac taasi oo tan iyo markii doorashada golaha deegaanka natiijadeedii lagu dhawaaqay xaalada degmada Saylac tahay mid cakiran xalkeediina laga doon doonayo dalalka aynu dariska nahay sida DJabouti oo hada ay ku maqan yihiin wufuudii kala dan baysay ee Silanyo u diray Saylac arimaheeda in ay xaliyaan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: