Madaxweyne Xassan Sheekh:”Aqoonsiga Maraykanku Siiyey Dowlada Soomaliya Waxay Ka Timid Shacabka Soomaliyeed Oo Ka Daalay Colaadii

SomaliaisaNation1Muqdisho(Lughaya.com) Munasabad baladhaan oo lagu tageerayo aqoonsiga dowlada maraykanku  siisay soomaliya kadib 22sanno oo  ay colaadi ragaadiyeen soomaliya ayaa maanta waxaa munasabad lagu qabtay magalada muqdisho taas oo ay ka qayb galeen madaxda dalka ugu saraysa.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyay goobta ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in dowladda Soomaaliya la aqoonsado, wuxuuna xusay in taasi ay ku timid dadaal badan oo lagu bixiyay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka dalka ka jiray.

“Beesha caalamku waxay aad uga hadleen isbaarooyinkii la qaaday, kuwaas oo dhibaatooyin badan ku haya shacabka, sidoo kale aqoonsigan wuxuu ku yimid waxqabadkii ay dowladdu la timid muddadii yareyd ee ay shaqeynaysay,” ayuu yiri madaxweynuhu ku sheegay khudbad uu goobta ka jeediyay.

Isagoo ka hadlayay hay’adaha cadaaladda ayuu sheegay inaan loo baahnayn in shacabku ay laaluush siiyaan garsoorayaasha, taasoo sababi karta buu yiri in iyaga ay dhibaato ku riddo lacagtaas, waayo buu yiri garsoorihii lacagta ka qaatay inuu badbaadiyo ayaa lacag ku qaadan kara inuu ku been abuurto.

Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay dhibaateynta suxufiyiinta isagoo carrabka ku dhuftay in dowladda Soomaaliya aysan u dulqaadan doonin dhibaatooyinka suxufiyiinta Soomaalida loo geysto, isagoo xusay in qodobbadooda ay ka mid yihiin difaacidda xuquuqda hadalka iyo inay ka hor-tagaan musuqmaasuqa.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay isaguna ra’iisul wasaaraha oo si aad ah ugu dheeraaday waxyaabihii u qabsoomay dowladdiisa, wuxuuna xusay in dowladdiisa ay sii wadi doonto howlaha ay dib ugu soo celinayso amniga iyo horumarinta dalka.

 

Muqdisho: Lugahaynews.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: