Mooshin La Doonayay In Qaadka Lagu Mamnuuco Dalka Ingiriiska Oo Guul Daraystay iyo Gudiga Oo Shaaciyey “Qaadku Maaha Daroogo Waana U Fasaxanyahay, Mana Jirto Caddaymo Ku Filan In Khatar Ku Yahay Bulshada Britain” Gudoomiyaha ACMD

MP.Mark11London(Lughaya.com) Guddiga maandooriyeyaasha sida khaldan loo isticmaalo ee dowladda Britain ay u xil-saartay inay ka soo talo-bixiyaan istimaalka qaadka ee dalkan Britain ayaa soo jeediyay in aan laga mamnuucin Jaadka dalkan UK.

Guddiga ayaa baaritaan uu ku sameeyay waxyeellada Jaadka ee saameynta jireed ee shaqsiga iyo bulshada waxa uu ku ogaaday in aan wax caddeyn ah loo heyn in dhibaato caafimaad darro ah isticmaalkiisu leeyahay.

Guddiga oo uu hogaamiyo Professor Les Iverson ayaa sheegay In baaritaan balaaran oo la sameeyay lagu heli waayay cadeeymo ku filan in khaadku uu caafimaad ahaan ama bulsho waxyeello geysto, si looga joojiyo dalkan UK.

Guddigu waxa uu dhageystay walaac bulshada ka yimid iyo talooyin ay soo jeediyeen masuuliyiinta deegaanada iyo booliiska oo muddo dheer iyagu arrintan ku mashquulsanaa.

Qof khaad cunaya:

Warbixintan oo ay maalgelisay wasaaradda arrimaha gudaha, waxay ka dambeysay welwel laga muujiyay isticmaalka Jaadka.

Waxaana ay soo Jeedisay Afar Talo oo Kala Ah :

  • Maqaamka Sharciga ah ee Jaadka ma ahan in la beddelo,Mana ahan in la hoos keeno xeerka si xun u isticmaalka daroogada.
  • Wasaaradda caafimaadka ee dalkan waa inay Jaadka  ku darto waxyaabaha deegaanka looga baahan yahay.
  • Madaxda degmooyinka iyo Booliiska iyo hey’adaha ka hortagga dembiyada waa inay la macaamilaan bulshooyinka iyagoo adeegsanaya tasiilaadka la heli karo si wax looga qabto wixii welwel ah ee laga qabo isticmaalka Qaadka inay keeneyso dhibaato bulsho.
  • Jaadka waa in lagu daro waxyaabaha laga bogsan karo, isla markaana hey’adaha sharci fulinta ee addeegyada caafimaadka dadweynaha, kuwa caddaaladda iyo booliiska iyo ka hortagga dambiyada ay sameeyaan aasaaska wixii cilmi baaris mustaqbalka la sameynayo.

Waxaa waxbixintu sheegtay  in Sannadkii 2011 ilaa 2012 ayaa Britain waxaa soo gallay 2,560 tone ah oo ku dhaw lacag gaadhaysa 40 Malyuun oo dollarka maraykanka waxaana dawladda ka soo gallay cashuur dhan 13 Malyuun oo dollarka maraykanka ah waxaana dad badani aaminsanyahiin in sababta keentay in aan qaadka laga mamnuucin Britain ay tahay arrimo dhaqaale oo la xidhiidha dakhliga ka soo xaroodda qaadka.

 

London:Lughayanews.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: