Shirka Midowga Africa Oo Maanta Si Rasmiya Ugu Bilowday Adis Ababa Iyo Xukuumada Somaliland Oo Loo Sheegay Inay Ahayn Halkan Meelihii Aqoonsiga Ka Raadin Jireen

wasiirka-khaarajiga-somalilandAddis-Ababa(Lughaya.com) Shirka Wasiiradda ee Midawga Afrika ayaa saaka ka bilowday Xarunta Guud ee Ururka Midawga Afrika kaasoo socon doona toddobaadkan, waxaana ka soo qayb galay kulanka manta oo ah kii koowaad Wasiiradda Arrimaha Dibeda Afrika iyo Dublamaasiyiinta Dalalka Afrika.

Masuuliyiinta Xarunta midawga Afrika ayaa jeedinaya qudbado la xidhiidha konton Guurada Ururka midawga Afrika oo ku began 2013-ka, sidoo kale waxa ay ka waramayaan waxyaabaha qaarada u qabsoomay iyo dhibaatooyinka ka aloosan oo ay qaarkood ku tilmaameen in loo baahan yahay si dhakhso ah in wax looga qabto.

Qudbadaha laga jeedinayo Xarunta Midawga Afrika intooda badani waxay la xidhiidhaan sidii Quruumaha Afrika mustaqbalkooda diirada u saari lahaayeen, gaar ahaana dhinaca Horumarka oo ay sheegeen in meelo badaan guulo laga gaadhay halka meelo badan oo Bariga Galbeedka iyo badhtamaha Afrikana ay ka sheegeen duruufaha dhinaca dagaaladdu inay dibu dhac ku keeneen.

kulankan oo bilow ah, waxa jooga dhamaan Wasiiradda Arrimaha Dalalka Afrika ee ku bahoobay Ururkan gaar ahaan waxa ka dhex muuqata Wasiiradda Arrimaha Dibeda Somaliya Marwo Foosiya X Aadan, taasoo ka qayb galkeedu ku soo beegmayo muddo 22 sano kadib markii Dawlad Rasmi ah loo dhisay Somaliya, isla markaana ay dawladda Maraykanku Ictiraaftay balse sida muuqata waxa dhinaca kale soo af-meermay dedaaladii ay Dawladda Somaliland kulan sanadeed laha Midawga Afrika kaga raadin jirtay Ololaha Dublamaasiyadeed ee ay ku doonayso Ictiraaf ay hesho.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed C/laahi Cumar ayaa soo gaadhay Addis ababa hase yeeshee sidii sanadkii hore fursad Somaliland umay helin xataa ay kula kulanto Masuuliyiinta Afrika iyo kuwa Caalamka ee shirkan ka soo qayb galay, halka Masuuliyiintii Xukuumaddii Daahir Rayaale galaan-galka uga heli jirtay Dadka u dhuun daloola hogaanka Midawga Afrika.

si kasta ha ahaatee Shirka Golaha wasiiradda oo Hordhac u ah ka Madaxweynayaasha Afrika ayaa si rasmi ah maanta u furmay waxaana laga filayaa in lagu doooran Doono Madaxweynaha Madaxweynayaasha Afrika oo sanad walba shirkan oo kale lagu doorto.

 

Lughayanews.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: