Amarkii Madaxda Kenya Iyo Dastuurka Dalka Kenya Oo Isku Khilafsan Sida Loola Dhaqmayo Qoxootiga Soomaliyeed

court kenyaNairobi(Lughaya.com) Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka kenya Mr: David Majanja ayaa joojiyey Go’aankii  ay madaxda dalka kenya ka soo saareen celinta qoxootiga soomaliyeed kaas oo soo baxay December 18 oo sheegay in January 21 la bilaabi dooni holgal baldhaan oo dadka soomalida ah iyo dadka kale ww wadan u soo haajiray laga saari lahaa magaalooyinka waweyn ee dalkan kenya.

Xukunka Gudoomiyaha maxakmada ayaa yimid kaddib markii urur Kenyaan ah oo u dooda xuquuqda bini’aadamka uu dacwo la xiriirta arrintan u gudbiyay maxkamadda sare.

Gudoomiyaha ayaa amar ku bixiyay in inta laga dhageysanayo oo go’aan laga gaarayo dacwadda la hakiyo dhaqan-gelinta go’aanka dowladda, Ururka Kituo Cha Sheria ayaa dacwad ka dhan ah go’aanka dowladda ee dib u dejinta qaxootiga u gudbiyay maxkamadda.

Ururka ayaa tallaabada dowladda ku tilmaamay mid aan sharci ahayn, “Go’aanka la shaaciyay wuxuu ka soo horjeedaa dastuurka iyo sharciga caalamiga ah ee khuseeya ilaalinta qaxootiga,” qareenka ururka Solomon Masista  ayaa sidan sheegay.

Hay’ado caalami ah oo u dooda xuquuqda bini’aadamka ayaa si kulul u cambaareeyay go’aanka ay qaadatay dowladda Kenya, waxayna dhammaantood isku aragti ka noqdeen inuu qorshaha dowladda ku xad-gudbayo xuquuqda dadka qaxootiga ah ee leeyihiin ee ah inay si xor u dhaqdhaqaaqaan.

 

Nairobi:Lughayanews.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: