Dhibaatada Ugu Weyn Ee Haysata Shaqaalah Waa Mushaharka Oo Liita Iyo Halo Trust Oo Xuquuqdooda Duudsiinaysa” Gudoomiye Ku Xigeenka Hay’adda Miina-Saarka Qaranka

(lughaya.Hargaisa )“Shaqaalaha Miino Saarka ee hay’ada Halo Trust ayaa baryahanba ka cabanayey duruufaha shaqo iyo kuwa nololeed ee ay ku sugan yihiin, waxaana xaaladooda ka dayriyey oo aanu ka waraysanay gudoomiye ku xigeenka hay’ada miino saarka qaranka (National Demining Agency), Maxamed Axmed Xaashi (Maxamed Weere).

is.jpg12
Gudoomiye ku xigeenka NDA Maxamed Weere waxa uu sheegay in labada arimood ee ugu waaweyn ee ay shaqaaluhu ka ashkatoonayaan ay kala yihiin mushaharka oon ku filayn, isla markaana u qalmayn marka laga eego shaqada ay qabtaan baaxada iyo khatarta ay leedahay iyo waliba hay’adda Halo Trust oo caadaysatay inay si xun ula dhaqanto shaqaalaheeda wadaniga ah.
Mr Weere oo arintaas ka hadlayaa wuxuu yidhi “Dhibaatada ugu weyn ee haysata shaqaalaha maxaliga ah ee miinada saaraa waa mushaharka ay qaataan oo aad u liita iyo Halo Trust oo xuquuqdooda mar walba duudsiinaysa”. Shaqaalaha Halo Trust ee miinada saaraa (Deminers) ayaa waxa tiradooda lagu qiyaasaa ilaa 550 qof oo ay 12 Dumar yihiin kuwaas oo ka hawlgala dhulka Somaliland intiisa badan, mushaharna u qaata $180. Hase yeeshee hawlwadeenada Miino Saarka ayaa in badan ku cabanayey in mushaharkoodu aanu dabooli karayn baahiyaha nololeed ee qoysaskooda (Livelyhood) gudoomiyaha hay’ada Miino saarka qaranka NDA ayaa shaqaalaha Halo Trust garowshiiyo ku siiyey cabashadooda dhinaca Maceeshada, waxaanu yidhi “Shaqaalaha Miinada saaraa waxay ka hawlgalaan meelo ka fog ama ka baxsan deegaanadii shaqaalaha laga soo qoray waxaanay qoysaskooda ka maqnaadaan mudooyin aad u dheer, oo waxa laga yaabaa in qaarkood lix bilood oo dhan aanay u suurtoobin inay guryahoodii dib ugu noqdaan”.
Isagoo arintaa sii faahfaahinayana Mr Weere waxa uu yidhi “Halo Trust waxay shaqaalaha Miino saarka siisaa fasax saddex cisho ah bishii, waana muddo aan ku filayn in qofku ku tago deegaankiisii oo uu hadana kaga soo noqdo ilaa Kaamkii ay Deminers-ku degenaayeen”.
Maxamed Weere waxa kale oo uu xusay in Halo Trust ay si badheedh ah oo joogto ah ugu gafto xuquuqda shaqo (Labour Rights) ee hawlwadeenada miino saarka ee u dhashay dalka Somaliland.
“Shaqaalaha waxa la eryaa iyadoon sifaha sharciga loo marin oo inta badan waxa lagu ruqseeyaa iyadoon wax digniin ah la siinin. Markay shaqaaluhu dacwoodaana Halo Trust waxay ugu jawaabtaa ordoo Maxkamada taga oo garyaqaan qabsada, waxaanay sidaasi u leedahay maadaama oo ay ogtahay in shaqaaluhu aanay dhaqaale ahaan awoodi karayn inay Looyaro qabsadaan. Waxa dhacda in nin ama gabadh shaqaale ah lagu eryo khalad yar oo uu galay ama gashay, halka aan juuq loo odhan shaqaalaha Ajnabiga ah hadii ay khaladaadkaas oo kale ama qaar ka weynba galaan”. Hay’ada Halo Trust iyo hay’ada Miino saarka Qaranka NDA ayaa waxa dhex maray heshiis iskaashi oo 4 sano ah, waxaanay ahayd sida uu heshiiskaasi dhigayo in Halo Trust ay hay’ada Miino saarka qaranka ka caawiso sidii ay u yeelan lahayd awoodo ay wax ku qabato dhinac maamul iyo mid farsamo-ba (capacity building). Hase yeeshee sida uu sheegay Maxamed Weere hay’ada Halo Trust kumay camal falin qodobada heshiiskaasi oo kaliya’e balse waxa kale oo ay falawgeed qabatay in aan hay’add kale oo ajnabi ahi oo cusubi ka hawlgalin dalka waxay xoooga saartaa iyada oo kaashaneysa hay’ado dowlihi ah iyo mas’uuliyiin dowlada ka tirsan iyada oo wax aan badneen siineysa in ay wadanka timaado oo la hay’ado kale oo doonaya in wadanka ka shaqeyaan oo miinada ka guraan in tiraahdo ha laga hor istaago in la diwaan galiyo si ay wadanka ugaga shaqeyso . Halo Trust ka sokow waxa Somaliland ka hawlgali jirtay hay’ad kale oo miino-saar oo la odhan jiray DDG taas oo sanadihii dambe u leexatay hawlo kale oo aan shaqo ku lahayn miino saarka. Mar aanu Maxamed Weere wax ka waydiinay hay’adda DDG, waxa uu ku jawaabay “Hay’adda DDG hadda Miina saar kama shaqayso waxay qabatana NDA ahaan ma ogin”. Waxa noo suurtoobi waayey in hay’adaha Halo Trust iyo DDG aanu wax ka waydiino arrimaha kor ku xusan kadib markii sida caadada u ahayd ay telefoonada naga qaadi waayeen. Sheekooyin kale oo xiiso leh oo ku saabsan hawlaha miino saarka kala soco cadadyada dambe.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: